Muqdisho (SONNA):ย Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka JFS ahna ku simaha madaxweynaha mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo rabshadaha iyo qalalaasaha ka socda magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalku uusan xal u ahayn khilaafka siyaasadeed, waxaana uu waxgaradka Puntland oo ay ugu horreeyaan odoyaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ugu baaqay in ay qaataan doorkooda ku aaddan daminta colaada, lagana shaqeeyo xasiloonida deegaanka oo ay caan ku yihiin dadka reer Puntland.
Ugu dambeyn guddoomiyaha golaha shacabka baarlamanka JFS ayaa ku booriyey wax kasta oo keeni kara kala aragti duwanaansho siyaasadeed in lagu xaliyo miiska wadahadalka, iyadoo la dhowraayo nabada isla-markaana aan la barakicin shacabka, isagoona Alle uga baryay intii ku dhimatay inuu naxriistiisa janno ka waraabiyo inta ku dhaawacantayna Eebbe caafimaad deg deg ah siiyo.