Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Ku dhawaad $200 Milyan oo laga lunsaday muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu khayaamay maalgashiga Forex
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Ku dhawaad $200 Milyan oo laga lunsaday muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu khayaamay maalgashiga Forex
Wararka

Ku dhawaad $200 Milyan oo laga lunsaday muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu khayaamay maalgashiga Forex

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 22, 2020
4 Min Read
Share

Ku Dhowaad $200 Milyan Oo Laga Lunsaday Muwaadiniin Lagu Khiyaamay Maalgashiga Shirkado sheegta inay ka ganacsadaan Sarrifka Lacagaha Qalaad (Forex trading).

Muuqaalka dadweyne bannaan baxaya oo ka cabanaya in la lunsaday lacagahooda ayaa Muqdisho caadi ka noqotay Afartii todobaad ee ugu dambeeyay, waxaa xigayay in bogagga ay baraha bulshada ku leeyihiin shirkado sheegta inay ka ganacsadaan Sarrifka lacagaha lagu shaaciyo inay khasaareen.

“Wareegii koowaad iyo wareegii labaad lacagtii aan qabanay ayaa guud ahaanba naga qasaartay waxaana ku qasbanaanay inaa mar kale lacag qabano si aan suuqa ugu sii jirno mar kale ayaa dib u furnay isdiiwaan galintii bisha Fibaraayo bilowgeedii iyadoo ay faa’ido naga sugayaan macaamiishii aan qabanay bilihii Diseember iyo Janaayo, lacagtii isdiiwaan galintaan kasoo xarootay waxaan u kala qeybinay qeyb aan faa’ido ahaan u bixino iyo qeyb aan suuqa galino” mid kamid ah shirkadaha dhaca geystay (Qaran) ayaa boggooda Facebook sidan ku soo qoray, taas oo muujineysa sida ay khiyaamadan u shaqeyso.

In ka badan 10 kooxood oo ku howlanaa in ay lacago ka uruuriyaan bulsahda Soomaaliyeed, iyaga oo ugu sheegayay inay maalgashanayaan shirkado ka shaqeeya sarrifka lacagaha qalaad (Forex), ayaa shaaciyay inay musallafeen, waxayna kooxahaasi lunsadeen lacag lagu qiyaasay $200 Milyan.

Horjoogayaasha kooxahan ayaa intooda badan dalka ka baxsaday, iyaga oo farriimo ay soo dhigeen baraha bulshada ku shaaciyay inay khasaareen. Nidaamka ay ku shaqeynayeen wuxuu ku dhisnaa in “Faa’idada maalgashadayaasha ugu horreeya la siiyo ka imanayso lacagaha laga qaado maalgashadayaasha dambe, marka la waayo macaamiil cusubna uu qof walba ogaado in la khiyaamay”.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowr goor muwaadiniinta uga digay Khiyaamadan, isaga oo caddeeyay in kooxahan aysan ahayn shirkado sarrif ka shaqeeya, isla markaana aysan ogolaansho ka heysan Bangiga Dhexe. Digniinta ayaa waxaa la socday wacyi gelin ballaaran oo Bangiga Dhexe ku sharraxay dhibaatada uu mashruucaan u geysan karo bulsahda Soomaaliyeed and xasiloonida habmaaliyadeedka dalka, taas oo la aaminsan yahay inay yareysay khasaarihii ay kooxahan geysan lahaayeen.

Dhanka kale waxaa jira kooxo howshoodii soo afjarantay, balse aan wali shaacin inay suuqa ka baxeen oo isku dayaya inay sii wadaan khiyaamadan iyaga maalgashadayaashii hore dejinaya una sheegay inay waqti dheeraad ah u baahan yihiin si ay faa’ido u bixiyaa, balse baaris aan sameynay waxaan ku ogaanay inaysan jirin lacag ay bixinyaan balse ay qorsheynayaan sidii ay dalka uga bixi lahaayeen.

Shirkada Hubaal, oo ay maalgashadayaasheedu gaarayaa 2,000 ayaa farriintan Boggeeda Facebook-ga soo dhigtay kadib markii ay xaruntooda ku xoomeen dad faa’ida ka doontay oo ku hungoobay:
“Macaamiisha aan qaadan faa’iidoyin 29ka february iyo 5ta march, waxay qaadan doonan 2 bil ka dib. Macaamiisha qaatay faa’iidoyinka 10,15,20,25 february waxay faa’idoyinka qaadan doonan sadex bil ka dib insha ALLAH. Faa’iidada la qaadan doonana waxay noqon doontaa 100% haduu ALLE idmo”.

Ilo wareedyo dhanka amniga ah oo lagu kalsoonyahay ayaa inoo xaqiijiyay in hay’adaha amnigu ay sheedda ka eegayaan dhaqdhaqaaqyada horjoogayaasha kooxahan si aysan dalka uga baxsan.

Khiyaamadani waa mid hore loogu dhacay waddamo badan oo adduunka soo koraya ah. Dalka Kenya ayaa ugu dambeeyay dalal badan khiyaamadan oo kale lagu xaalufiyay shacabkooda, iyada oo Balaayiin shilinka dalkaas ah si khiyaamo ah loogala baxsaday, taas oo keentay inay musallafaan kumannaan Kenyan ah oo horay u ladnaa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Danjire Jabriil Ibraahim Abdulle oo safar shaqo ku tegay magaalada Kisumu

Kisumu,(SONNA):-  Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle oo ay wehliyaan Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Mudane Cabdullahi…

GudahaWararka
June 1, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka hadlay halka ay ku taalo xarunta safaaradda Ethiopia ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siiyey warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay xiisadda Soomaaliya…

GudahaWararka
November 3, 2024

Guddiga doorashooyinka oo kulan wada tashi ah la qaatay bulshada rayidka

Muqdisho-(SONNA)-Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururrada iyo Xisbiyadda JFS iyo…

GudahaWararka
November 19, 2024

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo uu wehliyo Duqa Muqdisho ayaa Dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo uu wehliyo Guddoomiyaha gobolka…

GudahaWararka
May 18, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023