Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
    Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha
    November 8, 2025
    Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimillada (COP30)
    November 8, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Dekadda
    November 7, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    November 7, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Ku dhawaad $200 Milyan oo laga lunsaday muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu khayaamay maalgashiga Forex
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Ku dhawaad $200 Milyan oo laga lunsaday muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu khayaamay maalgashiga Forex
Wararka

Ku dhawaad $200 Milyan oo laga lunsaday muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu khayaamay maalgashiga Forex

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 22, 2020
4 Min Read
Share

Ku Dhowaad $200 Milyan Oo Laga Lunsaday Muwaadiniin Lagu Khiyaamay Maalgashiga Shirkado sheegta inay ka ganacsadaan Sarrifka Lacagaha Qalaad (Forex trading).

Muuqaalka dadweyne bannaan baxaya oo ka cabanaya in la lunsaday lacagahooda ayaa Muqdisho caadi ka noqotay Afartii todobaad ee ugu dambeeyay, waxaa xigayay in bogagga ay baraha bulshada ku leeyihiin shirkado sheegta inay ka ganacsadaan Sarrifka lacagaha lagu shaaciyo inay khasaareen.

“Wareegii koowaad iyo wareegii labaad lacagtii aan qabanay ayaa guud ahaanba naga qasaartay waxaana ku qasbanaanay inaa mar kale lacag qabano si aan suuqa ugu sii jirno mar kale ayaa dib u furnay isdiiwaan galintii bisha Fibaraayo bilowgeedii iyadoo ay faa’ido naga sugayaan macaamiishii aan qabanay bilihii Diseember iyo Janaayo, lacagtii isdiiwaan galintaan kasoo xarootay waxaan u kala qeybinay qeyb aan faa’ido ahaan u bixino iyo qeyb aan suuqa galino” mid kamid ah shirkadaha dhaca geystay (Qaran) ayaa boggooda Facebook sidan ku soo qoray, taas oo muujineysa sida ay khiyaamadan u shaqeyso.

In ka badan 10 kooxood oo ku howlanaa in ay lacago ka uruuriyaan bulsahda Soomaaliyeed, iyaga oo ugu sheegayay inay maalgashanayaan shirkado ka shaqeeya sarrifka lacagaha qalaad (Forex), ayaa shaaciyay inay musallafeen, waxayna kooxahaasi lunsadeen lacag lagu qiyaasay $200 Milyan.

Horjoogayaasha kooxahan ayaa intooda badan dalka ka baxsaday, iyaga oo farriimo ay soo dhigeen baraha bulshada ku shaaciyay inay khasaareen. Nidaamka ay ku shaqeynayeen wuxuu ku dhisnaa in “Faa’idada maalgashadayaasha ugu horreeya la siiyo ka imanayso lacagaha laga qaado maalgashadayaasha dambe, marka la waayo macaamiil cusubna uu qof walba ogaado in la khiyaamay”.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowr goor muwaadiniinta uga digay Khiyaamadan, isaga oo caddeeyay in kooxahan aysan ahayn shirkado sarrif ka shaqeeya, isla markaana aysan ogolaansho ka heysan Bangiga Dhexe. Digniinta ayaa waxaa la socday wacyi gelin ballaaran oo Bangiga Dhexe ku sharraxay dhibaatada uu mashruucaan u geysan karo bulsahda Soomaaliyeed and xasiloonida habmaaliyadeedka dalka, taas oo la aaminsan yahay inay yareysay khasaarihii ay kooxahan geysan lahaayeen.

Dhanka kale waxaa jira kooxo howshoodii soo afjarantay, balse aan wali shaacin inay suuqa ka baxeen oo isku dayaya inay sii wadaan khiyaamadan iyaga maalgashadayaashii hore dejinaya una sheegay inay waqti dheeraad ah u baahan yihiin si ay faa’ido u bixiyaa, balse baaris aan sameynay waxaan ku ogaanay inaysan jirin lacag ay bixinyaan balse ay qorsheynayaan sidii ay dalka uga bixi lahaayeen.

Shirkada Hubaal, oo ay maalgashadayaasheedu gaarayaa 2,000 ayaa farriintan Boggeeda Facebook-ga soo dhigtay kadib markii ay xaruntooda ku xoomeen dad faa’ida ka doontay oo ku hungoobay:
“Macaamiisha aan qaadan faa’iidoyin 29ka february iyo 5ta march, waxay qaadan doonan 2 bil ka dib. Macaamiisha qaatay faa’iidoyinka 10,15,20,25 february waxay faa’idoyinka qaadan doonan sadex bil ka dib insha ALLAH. Faa’iidada la qaadan doonana waxay noqon doontaa 100% haduu ALLE idmo”.

Ilo wareedyo dhanka amniga ah oo lagu kalsoonyahay ayaa inoo xaqiijiyay in hay’adaha amnigu ay sheedda ka eegayaan dhaqdhaqaaqyada horjoogayaasha kooxahan si aysan dalka uga baxsan.

Khiyaamadani waa mid hore loogu dhacay waddamo badan oo adduunka soo koraya ah. Dalka Kenya ayaa ugu dambeeyay dalal badan khiyaamadan oo kale lagu xaalufiyay shacabkooda, iyada oo Balaayiin shilinka dalkaas ah si khiyaamo ah loogala baxsaday, taas oo keentay inay musallafaan kumannaan Kenyan ah oo horay u ladnaa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Riyadh-(SONNA)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galay aqoon is waydaarsi ku saabsan sharciga shaqaalaha adduunka

Muqdisho (SONNA) Mudanayaal ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka JFS ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay aqoon…

GudahaWararka
March 21, 2023

Madaxweynaha JFS”Gacan Khawaarijta ayaan kula dagaalameynaa ,gacanna doorasho ayaan ku qabaneynaa ,mana hakineyno dagaalka cadowga”

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimaha geeddi socodka doorashooyinka dalka iyo dagaalka lagu…

GudahaWararka
December 21, 2024

Muungaab : In Dowladnimada guulaysato cadowgana laga adkaado waa danta cid kasta

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyehii hore ee gobolka Banaadir,Dr, Xasan Maxamed Xuseen {Muungaab) ayaa bogaadiyay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo…

GudahaWararka
August 29, 2023

Qabashada doorashada kuraasta ka bannaan golaha Shacabka oo la iclaamiyay

Midship,(SONNA):- Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ayaa iclaamiyey doorashada kuraasta GSH#248 iyo GSH#049, oo ka tirsan Golaha Shacabka,…

GudahaWararka
March 2, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023