Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.
    March 12, 2026
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Kooxda Taliban iyo dawladda Afghanistan oo heshiiskii ugu horreeyey gaaray
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Kooxda Taliban iyo dawladda Afghanistan oo heshiiskii ugu horreeyey gaaray
CaalamkaWararka

Kooxda Taliban iyo dawladda Afghanistan oo heshiiskii ugu horreeyey gaaray

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 3, 2020
4 Min Read
Share

Kabul (SONNA)- Wakiilada dowladda Afghanistan iyo  Taliban ayaa wada gaaray heshiis hor u dhaca ah oo ku saabsan wadahadalada nabadda  ee u dhexeeya labada dhinac, waa heshiiskii qoraal ah ee ugu horeeyay ka dib 19 sano oo dagaal ah.

Heshiiska, arbacadii la saxiixay ayaa dhigaya in la sii wado wada xaagoodka gaar ahaan in horey loo dhaqaajiyo qodobada ay kamid yihiin, xabbad joojinta.

“Hanaanka waxaa ku jira in qeybaha hore ee wada xaajoodka la soo gabagebeeyo, wixii hadda ka dambeeyana ajendiyaasha wadahadalka la guda galo,” Nader Nadery, oo ka tirsan wakiilada dowladda ayaa Reuters, u sheegay.

Dhankooda, Taliban ayaa xaqiijiyay heshiiskaas sida uu Twitter soo dhigay afhayeenka kooxda.

Afhayeenka madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, Sediq Sediqqi, ayaa xusay in heshiiska uu yahay talaabo horey loo qaaday, isagoo intaas ku daray in wada xaajoodku ku bilowday is faham guud oo ay ku jirto xabbad joojinta iyo qodobada muhiimka u ah dadka wadanka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa labada daraf ugu hambalyeeyay heshiis ay gaareen, isagoo tilmaamay in Mareykanku si dhab ah ula shaqeyn doona labada dhinac gaar ahaan yareynta dagaalada iyo xabbad joojinta.

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan dib u heshiisiinta Afghanistan Zalmay Khalilzad waxaa uu sheegay in labada dhinac gaareen heshiis ka kooban sadex bog oo ku jiraan hanaankii loo mari lahaa tubta wadahadalka siyaasadda iyo is fahamka xabbad joojinta.

Heshiiskan ayaa ka dambeeyay ka dib billo labada dhinac wada xaajood uga socday caasimadda Qatar ee Dooxa, waxaana si weyn u taageerayay Mareykanka, hase yeeshee, labadan daraf ee reer Afghanistan wali dagaal ayaa ku dhex maraya dalka.

Taliban ayaa diiday in heshiiska hor u dhaca ah lagu daro xabbad joojinta, inkastoo dalalka reer galbeed iyo ururada caalamiga ah ku booriyeen arrintan ayagoo xusay in xabbad joojin la sameyn doono marka wadahadalka lagu heshiiyo.

Wakiilka QM u qaabilsan Afghanistan Deborah Lyons ayaa soo dhoweeyay heshiiska, isagoo sheegay in tani fududeyn karto in heshiis nabadeed la gaaro.

Bishii hore, labada dhinac waxay gaareen heshiis, laakiin daqiiqaddii u dambeysay ayaa wakiilada Taliban ka baxeen heshiiska markii ay diideen sharciyadda dowladda Afghanistan.

Diplomaasiyiinta reer Yurub ee wadahadalkan fududeynaysa ayaa Reuters u sheegay in labada daraf u dhexeeyo kala aragti duwaansho badan.

“Labada dhinac waa in ay ogaadaan in reer galbeedka dulqaadka ka sii dhamaanayo isla markaana gargaarka la siiyo shuruud ku xiran tahay … sidaas awgeed waa in aad sameysaan horumar la arki karo ,” ayuu yiri diplomaasigan magaciisa qariyay.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa lagu soo dhaweeyay heshiis waxayna sheegeen in tani tahay talaabo dhanka wanaaga loo qaaday.

Taliban waxaa xukunka ka tuurey 2001 xoogag caalami ah oo Mareykanka hormuud u ahaa ka dibna waxaa xukunka dalka loo dhiibay dowlad Mareykanku aqoonsan yahay inkastoo Taliban maamulaysay dhul balaaran oo Afghanistan ah haddana waxaa jiray dagaalo lagu hoobtay oo u dhexeeya ciidamada ajnabiga ah iyo Taliban.

Bishii Fibraayo ee sanadkan, waxaa heshiis wada gaaray Taliban iyo Mareykanka waxaana ku jira heshiiskaas in ciidanka caalamiga ah ka baxaan dalka bisha May ee sanadkan 2021 taa bedelkeedana Taliban balan qaaddo nabadda dalka Afghanistan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa durba bilaabay in ciidanka Mareykanka laga soo saaro dalkaas inkastoo uu wajahayo dhaleeceyn ku aadan talaaabadaas. Maamulka Trump ayaa ku dhawaaqay in 2,500 oo askari ka soo saaray dalka Afghanistan.

Wasiirka arrrimaha dibadda Jarmalka Heiko Maas ayaa tallaabaddii la soo dhaafay  NATO uga digay in ka soo bixitaanka Afghanistan uu yahay mid aan qaan gaarin isla markaana loo baahan yahay in laga fiirsado.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.

Muqdisho-SONNA-Mudane Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa soo dhaweeyay ansixinta ugu dambeysa…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiye Madaale oo Duqa Doha kala hadlay dib u cosbooneysiinta heshiiska mataaneynta Muqdisho & Doha

Doha (SONNA):- Guddoomiyaha goobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Magaalada Doha ee Caasimadda Dalka…

CaalamkaGudahaWararka
December 11, 2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SALAADDA CIIDDA KULA OOGAY KUMANNAAN SHACAB AH MASJIDKA ISBAHAYSIGA ISLAAMKA.

Muqdisho, Maarso 30, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciiddul…

Gudaha
March 30, 2025

Horjooge ka tirsanaa khawaariijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga

Muqdisho(SONNA):-Tirada khawaariinta isu soo dhiibaysa Ciidanka xoogga iyo laammaha kala duwan ee dowladda Soomaliya ayaa sare u kacay maalmihii u…

GudahaWararka
March 25, 2023

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay shir looga hadlayo doorka ay Culimadu ku leeyihiin taaba-gelinta nabadda

Muqdisho-(SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta furay shir looga hadlayo Doorka Culimadu ay…

GudahaWararka
October 31, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023