Muqdisho(SONNA)-Kooxda Mogadishu City Club ayaa kulanka bari ay la ballansan yihiin Naadiga Elman waxa ay weyn doonaan xiddigooda khadka dhexe ee Xasan Santos, kaas oo dhaawac ku seegi doona ciyaarta.
Ciyaaryahan Xasan Santos ayaa dhaawac jilibka ah ku seegi doona kulanka ugu xiisaha badan horyaalka ee dhaxmari doona kooxaha Mogadishu City Club iyo Elman.
Laacibkan ayaa ku dhaawacmay kulankii ugu horreyay ee horyaalka ee kooxdiisa ay guuldarada 2-1 kala kulantay naadiga Rajo, isago ciyaarta dhaawac kuย dhammeystay.
Xiddigan ayaa u adkeysan waayay dhaawac uu ka qaba jilibka bidix taasoo ku qasabtay maamulka kooxda Mogadishu City Club ay geeyaan isbitaalka lagu magacaabo Jazeera Hospital, si ay u ogaadan xaaladda dhaawac ee laacibkooda.