Muqdisho.(SONNA):- Kooxda Khawaarijta Al shabaab ayaa duugay Ceel biyood ku yaallo Aboocow oo hoostaga deegaanka Numbar Konton ee gobolka Shabeellaha hoose.
Khawaarijta ayaa tallaabadan foosha xun qaadday ka dib markii dadka deegaanku ay u hoggaansami waayeen amarro qaldan oo ka soo baxay kooxda.
Guddoomiyaha deegaanka Numbar Konton, Maxamed Maxamuud Abuukar oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay argagixisadu ay bilaabeen in ay shacabka ciqaabaan oo ceelashii biyaha ay ka cabayeen ka gubaan kana duugaan.
โ Dadka deegaanku markaad kor ka fiirso dad colaad dheer soo maray in ay yihiin indhahooda ayaa ka dareemeysaa, 7-sano ayay dagaal ku soo jireen, Barakac iyo dhibaatooyin kale ayay la soo kulmeen,โ ayuu yiri guddoomiyuhu.
Dadka deegaanka Aboocow ayaa sheegay in arrintan ay tusaale cad u tahay dhaqamada foosha xun ee Khawaarijtu kula kacayaan dadka masaakiinta ah ee la daala dhacaya abaarta iyo colaadda isbiirsaday.
Dad badan oo ku tiirsanaa Ceel biyoodka ay bur buriyeen arxan-laawayaasha Al-shabaab ayaa soo maciin biday deegaanka Numbar Konton, halkaas oo ay soo dhoweyn wanaagsan ka heleen.