KISMAAYO-SONNA:-Magaalada kismaayo ee xaruunta dowlad gobaleedka Jubbaland waxa maanta lagu soo gabagabeeyay shirkii maalmahan u socday Guddiyada Shaqaalaha heer Fedral iyo heer dowlad gobaleed iyo Gobalka Banaadir.
mudadii shirka socdey ayaa lagu falanqeeyey arimo muhiim u ah shaqalaaha Soomaaliyeed ayadoo ugu dambeyn heshiis muhiim ah ay wada saxiixdeen dhammaan guddiyada, kana soo saarayn war murtiyeed ka kooban 11 qodob oo muhiim u ah wada shaqynta guddiyada shaqaalaha iyo dhammaan Shaqaalaha soomaaliyeed.