Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
    Bayaan wadajir ah oo ku saabsan booqashada sharci-darrada ah ee xubno ka tirsan Israa’iil ay ku yimaadeen gobollada waqooyi ee JFS
    January 9, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa khudbad u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed
    January 8, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya
    January 8, 2026
    Taliyaha ciidanka Booliiska oo shirguddoomiyey shirka taliyeyaasha Booliiska
    January 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: ‘Khawaarjtu jab kama dhergaan miyaa’? (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Khawaarjtu jab kama dhergaan miyaa’? (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

‘Khawaarjtu jab kama dhergaan miyaa’? (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: June 12, 2024
7 Min Read
Share

Ciidamada Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka oo xog dhameystiran ka hayay isku day cadowga khawaarijta ah ay ku soo weerarayaan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa u degay qorshe difaac oo lagu burburiyay kooxdii naf la caariga ahayd ee weerarka gaadmada ah soo qaaday, iyadoo  Dagaalka koowaad uu ka dhacay banaanka magaalada oo marka hore ay isku fara saareen ciidan loo diyaariyay maleeshiyadii la soo khaldey, waxaana halkaas lagu dilay ilaa 9 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

Dhagarqabayaashii oo ku jabay goobta dagaalka ayaa dib uga baxsaday magaalada, iyaga oo u kala firxaday qeyba kala duwan.  Geesiyaasha deegaanka iyo ciidanka Qaranka oo dabin u diyaariyay ayaa ku helay tuulo u dhaxaysa deegaanka Cali Yabaal iyo xarunta Degmada, waxaana halkaas ay ku dileen ilaa 18 ka tirsanaa maleeshiyaadkii habqanka ahaa ee ku soo jabay dagaalkii Ceeldheer, waxaana ay ka qabsadeen Gaadiid iyo Saanad kale. Sidoo kale, intii ka hartay Khawaarijta waxaa duqeyn dhinaca cirka ah lagula beegsaday deegaanka Cali Yabaal,  waxaana xogtii markaa oo horudhaca aheyd ee laga helay ay sheegaysaa in lagu laayay in ka badan 20 Khawaarij ah oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal.

Meydadka Khawaarijta ayaa wali daadsan goobihii ay ka dhaceen dagaaladii ay ku hoobteen cadowga, waxaana wadarta guud ee khasaaraha horudhaca ah uu muujinayaa in 47 xubnood laga dilay cadowga,. Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka ee cashirka lama ilaawaanka ah u dhigay Khawaarijta, waxaana dagaalkaasi ku shahiiday 5 xubnood oo naftooda u huray baabi’inta cadowga ku soo gardarooday dadkooda iyo dalkooda.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weli ku dabajooga maleeshiyaadkii cararey oo qaarkood ay dhaawacan yihiin, waxaana lagu soo waramayaa in Keymaha howdka ah wali laga soo helaayo Meydad iyo kuwa dhaawac ah, Ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha deegaanka oo labadii maalin ee la soo dhaafay ku hawlanaa baadi goobka haraadigia Khawaarijtii lagu laayay dagaalkii ay ku jabeen ee ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa helay meydadka ilaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijtii soo weerarta magaalada waaberigii sabtidii tagtay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda FS.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku  dhigay tiro maleeshiyaad intii lagu jiray baadigoobka iyo sifeynta Khawaarijta dagaalkii Ceeldheer kadib, iyadoo Ciidamada Dowladda ay ku howlan yihiin Aasidda Meydadka la helay, waxaa sidookale ay sii wadaan howlgalka uruurinta maadaama ay jiraan maleeshiyaad kale oo dhaawac ahaa oo daryeel xumo qaarkood u dhintay, wadarta guud ee maleeshiyaadka la dilay ayaa ilaa hadda kor u dhaafay 60 xubnood oo ay Horjoogayaal ku jiraan.

Dowladda Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysa Waalidiinta Soomaaliyeed ee ay caruurtoodu qaldeen cadowga Khawaarijta ah in ay kala soo baxaan, Dowladdana waxaa ka go’an cirirbtirka Khawaarijta, dhalinyarada ay qaldeen waxa ugu yeeraynaa in ay si deg deg ah uga soo baxaan nabad diidka arxanka darran, inta aysan ku bixin gacanta Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka si la mid ah kuwii la midka ahaa ee alle ku ciqaabay gacanta ciidamadeena.

Taliyaha lugta Ciidamada Xoogga Dalka General Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, Taliyaha oo Kormeeray goobahii lagu jebiyay Khawaariijta iyo gudaha Magaalada ayaa Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deeganka ku ammaanay geesinamada iyo naftahurida.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee ciidanka qalabka sida, ee ay inaga caawiyaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay booqasho ugu tagay Ciidanka Soomaaliyeed ee ku jira kuliyadda tababarka TurkSom, waxaana uu intaa raaciyay in ciidanka qalabka sida loo dajinayo hal manhaj oo mideysan taasi oo xoojineysa gudashada waajibaadkooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiisha iyo ciidanka kula dardaarmay inay yihiin rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin, isla markaana ay u diyaargaroobaan ciribtirka Khawaarijta iyo xoreynta dalka, wuxuuna intaasi raaciyay in dowladdu abuureyso hey’ad u xilsaaran daryeelka agoonta ciidamada Qalabka sida, isla markaana ‘Maalin Qaran’ loo asteyn doono sanad walba maalinta shuhadada, wuxuuna uga mahadceliyay dowladda Turkiga, oo si weyn u xoojisay taageerada isugu jirta Qalabeynta iyo Tayeynta ciidankeena, gaar ahaan dhinaca Caafimaadka Militeriga iyo gargaarka xaaladaha degdegga ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa xalay dalka Norway kula hadlay jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaaqan halkaasi, isaga oo warbixin ka siiyay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka Al Shabab, dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, islamarkaana ay  ku soo taageerayaan wax qabadka dowladda iyo qorshaha cirib-tirka khawaarijta.

Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh ayaa ku dheeraaday ka hadalka dowladihii la soo maray iyo halka ay maanta joogto, wuxuuna ballaanqaaday inay dowladdiisu dhameystiri doonto Dastuurka, islamarkaana la qabto doorasho Hal Qof iyo Hal Cod, waxaa kaloo uu soo hadal qaaday Xubinnimaddii ay dhawaan Soomaaliya ka mid noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo dib u soo nooleyta golayaasha kale ee heer Gobol iyo heer Caalami, waxaa kaloo uu Jaaliyaddsa Soomaalida ee Norway u sheegay in mutaqbalka Soomaaliya uu wanaagsan yahay.

“ Booskii aan dunida ku laheyn oo aan xaqiijinno 54 sano ka hor ayaa noogu dambeysay inaan fadhiisanno Kursiga Golaha Ammaanka, Kursigeena ayaa WaddamadaDersika ay Boorsooyinka saran jireen marka shirarka la yimaado Alxamdullilaah maanta waa fadhinaa waa nimid”, sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa aad ugu dheeraaday ka hadalka dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarjta ah ee Alshabaab, wuxuuna sheegay in 17 sano kadib in Shacabka Soomaaliyeed ku baarugeen, islamarkaana qaatay inay la dagaalamaan, kadib markii ay ogaadeen inaysan jirin meel Diin ahaan iyo Qiyam ahaan melena kaga jirin diinta Islaamka, lana dagaalami karo, taasi oo ay horey u ceddeeyeen Culimada Soomaaliyeed, iyagoo ku caddeyay inay yihiin Khawaarijta cusub. “ Khawaarijtu muddo ka badan 16 sano ayay Dalkaan joogeen, iyadoo dhibaato ba’an ku haya shacabka Soomaaliyeed, kadib ayaan go’aansanay in aan ka bilowno la dagaalankooda”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka lagula jira khawaarijta uu meel fiican marayo, isagoo ugu mahad celiyay shacabkii ka dhiidhiyay dhibaatada nabad-diidka, wuxuuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjari doono kooxaha Argagixisada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Wiil Suuriyaan ah

Muqdisho-(SONNA)-Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ,Xamse Cabdi Barre ayaa shahaada sharaf guddoonsiiyay Cali Saahir oo ah Wiil yar oo kasoo jeeda dalka…

GudahaWararka
July 11, 2023

Gen. Sulub oo Ciidamada Booliska ugu hambaliyeeyay Sanad-guuradii 80-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska

Muqdisho (SONNA):- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa maanta oo Arbaca ah, hambalyo ku aaddan sannad-guurada 80-aad…

GudahaWararka
December 20, 2023

Guddoomiyaha golaha shacabka oo saxiixay buugga tacsida ee Ugaas Faracadde

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo booqday hoyga ay taalo gogosha…

GudahaWararka
September 17, 2024

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo kulan qado sharaf ah la qaatay golaha odayaasha dhaqanka koonfur-galbeed

Baydhabo(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan qado sharaf ah la…

GudahaWararka
February 3, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023