Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
    DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed
    June 2, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 2, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: ‘Khawaarijta Saaka, subax madow oo kale ayay u aheyd’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Khawaarijta Saaka, subax madow oo kale ayay u aheyd’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

‘Khawaarijta Saaka, subax madow oo kale ayay u aheyd’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 17, 2023
6 Min Read
Share

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa Shacabka Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul qaadaan, islamarkaana ay garab istaagaan Ciidanka Qaranka, waxaana ka go’an Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagar qabayaasha Khawaarijta ah ee ku ad adag falalka lagu dhibaateeyo Shacabka iyo dalka, islamarkaana ka dhega adeega in ay ka haraan fikirka iyo ficilada Khawaarijta, iyadoo uu wali si derder leh u socdo dagaalada xoogga ee lagula jiro Kooxdaasi ayay Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay Khawaarijta ka qabsaday deegaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Howlgalkaasi ayaa waxaa la soo warinayaa in lagu dilay in ka badan 30 Khawaarij ah, iyada oo sidoo kale cadowga looga gubay afar gaari, lagana qabsaday  labo gaari oo kale iyo hub fara badan, haddaba siduu ku dhacay howlgalkaasi?, waxa uu u dhacay sidan:-  Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo ku jira howlgalka sifeynta ah ayaa maleeshiyaadka Khawaarijtu waxa ay isku dayeen in ay dagaal kala hortagaan dhanka deegaanka Qodqod ee ku yaalla duleedka magaalada Camaara, waxaana halkaas loogu geystay cadawga jab xooggan oo aysan weligood ka soo waaqsaneyn.

Maleeshiyaadka Khawaarijta oo galabta lagu jabiyay deegaanka Qodqod ayaa magaalada Camaara xalay geeyay meydka horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo ahaa horjoogihii Jabhadaha gobalka Mudug u qaabilsanaa Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab,  sidoo kalena hoggaaminayay maleeshiyaadkii lagu laayay deegaanka Qodqod, sidoo kale wararka ka imaanaya magaalada  Camaara ayaa sheegaya in cadowgu halkaas ay geeyeen meydad iyo dhaawacyo badan oo qeyb ka ahaa Maleeshiyaadkii galabta lagu gumaaday deegaanka Qodqod, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaaladaasi ay sheegayaan in Ciidamada Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo Xoogagga Difaaca Shacabka ay saaka uga dabatageen Khawaarijta Magaalada Camaara, islamarkaana howlgallo sifeyn ah ay ka wadaan magaalooyinka Bacaadweyn, Camaara iyo Qaycad.

Meelaha qaar Khawaarijta waxay isku dayeen inay hor istaagaan awooda geesiyaasha Qaranka laakiin waa lagu jabiyay intooda badan, sida saraakiil ka tirsan dowladda ay u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka, waxaana Ciidanka Dowladda iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay shalay jab xooggan ku gaarsiiyay Khawaarijta deegaanka Qodqod ee ku yaala duleedka Camaara.

Maxay ka dhigan tahay la wareeggidda Bacaadweyn, Camaara iyo Qaycad?, waxay ka dhigan tahay in gabi ahaanba ay gacanta dowlada soo galaan Degmooyinka iyo Deegaannada hoos yimaada Gobolka Mudug, taasi ayaa ah in ay kooxda Khawaarijtu ay kaga harsan yihiin Dowlad-goboleedka Galmudug oo kaliya qeybo yar oo ka tirsan Gobolka Galguduud, kuwaasina maalmaha soo socda ayaa gacanta lagu dhigi doonaa, “Maalmihii wacnaa wey soo socdaan”,  sida uu hore u yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dal xoreeye Dr: Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ku sugan Bartan hoggaaminta Ciidamada ee Magaalada Dhuusamareeb.

Mudug, Galguduud iyo Shabeelada dhexe khawaarijta si fiicanaa loogu quraacday, waxaa ka socdo howlgallo barakeysan, iyadoo Dhulka Howdka ah ee hoos yimaada Degmada Mahadaay oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe iyo Qaycad oo ka tirsan Mudug, ayay dadka deegeenku sheegeen inay ka maqlayeen daryanka madaafiicda iyo hubka lagu garaacayo khawaarijta, halka ay ciidamada huwanta la wareegeen deegaanka Bacaadweyne, xilli ay kooxda khawaarijta faarujiyeen Cammaar, ka dib markii Qodqod lagu dubtay shalay, taas oo ay ka difaacayeen magaalada Cammaara, iyadiina ay Ciidamada Xogga Dalka iyo kuwa deegaanku ay haatan si buuxda ula wareegeen.

Howlgal  lagu beegsanayo horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa ka socday Aagga Jiinka Webiga Shabeelle, dhanka Bari deegaanno hoos taga  degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe, kaas oo ay fulinayaan ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka, waxayna Sirdoonka Qaranka ay si dhow ula socday xogta horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo muddooyinkaan isku aruursanayay Aaggaasi, iyadoo ay jiraan khasaare xoog leh oo cadowga lagu gaarsiiyay howlgalkaan.

“Xafiiskii Amiirka Khawaarijta gobolka Mudug iyo qolkiisii ciriiriga ahaa horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo ahaa horjoogihii Jabhadaha gobalka Mudug u qaabilsanaa Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab waa difaacan waayay, waa kaasaa dabada jeediyey, kana huleeley! Ilaahay ayaa ku mahadsan, mujaahidiintuna ha guulaystaan”!, oraahdaasi waxaa Bartiisa Bulshada soo dhigay Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha gudaha ee XFS oo bilahaanba ku sugnaa Aagga hore ee Degamada Xarardheere ee uu ka socdo Dagaalka lagula jiro Khawaarijta, “Khawaarijta Saakay subax madow oo kale ayay u aheyd”, ayuu sii raaciyay Wasirrtka.

“ Khawaarijta jab weyn ayaa ka gaaray Gobolada Mudug, Galguduud, Bakool iyo Shabeelada Dhexe, Allow adaa mahadaa iska leh, Geeshkayagoow guuleysta”, Wasiirka Gaashaandhigga ee Xuuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa isna ku soo qoray Bartiisa Bulshada.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Cali Ciid Daahir ayaa fariin Hambaliyo u diray guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Galmudug, ka dib qabashadi Saaka ee Degmada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, isagoo si aad ah u soo dhoweeyay guulaha is dabajooga ah ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa difaaca Shacabka, waxa uuna bogaadiyay horumarka ay ka sameynayaan xoreynta dalka. Ciidanka xoogga, kuwa difaaca Shacabka iyo Daraawiishta Galmudug geesinimada iyo nafhuriidda ay sameeyeen labadii cisho ee la soo dhaafay, si gaar ahna xoreynta Degaannada; Bacaadweyne, Qeycad, Shabeelow, Xinlibi, Galxagare, Hul-doonyaale, Sargo, Qodqod iyo Camaara, iyadoo Subaxnimadii hore ee Saaka ay ciidamadu ka qabsadeen khawaariijta Degmada Bacaadweyne, Camaara, Qaycad iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Geneva (SONNA): Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Faah faahin Dheeraad ah oo ka soo baxay qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho,(SONNA)-Qof naftii halige ah oo xiran Jaakadda walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay Banaanka Saldhigga Booliska Dagmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.…

Gudaha
May 9, 2021

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚.

Muqdisho (SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee XFS ayaa munaasabad ka dhacday Safaaradda Boqortooyada Ingriiska ku daahfuray Mashruuca Better Lives oo socon…

GudahaWararka
April 29, 2024

Madaxweynaha JFS oo hortagay fadhi degdeg ah oo uu isugu yeeray Labada Aqal ee BJFS

Muqdisho (SONNA) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hortagay fadhi degdeg ah oo uu isugu yeeray…

GudahaWararka
January 2, 2024

Wasiirka Amniga Jubbaland oo kormeeray xerooyinka ciidamada xoogga ee degmada Afmadow

Kismaayo-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) oo uu weheliyo taliyaha qaybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa maanta…

GudahaWararka
February 8, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023