Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: ‘Khawaarijta Saaka, subax madow oo kale ayay u aheyd’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Khawaarijta Saaka, subax madow oo kale ayay u aheyd’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

‘Khawaarijta Saaka, subax madow oo kale ayay u aheyd’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 17, 2023
6 Min Read
Share

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa Shacabka Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah ee goโ€™aansaday in ay cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul qaadaan, islamarkaana ay garab istaagaan Ciidanka Qaranka, waxaana ka goโ€™an Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagar qabayaasha Khawaarijta ah ee ku ad adag falalka lagu dhibaateeyo Shacabka iyo dalka, islamarkaana ka dhega adeega in ay ka haraan fikirka iyo ficilada Khawaarijta, iyadoo uu wali si derder leh u socdo dagaalada xoogga ee lagula jiro Kooxdaasi ayay Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay Khawaarijta ka qabsaday deegaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Howlgalkaasi ayaa waxaa la soo warinayaa in lagu dilay in ka badan 30 Khawaarij ah, iyada oo sidoo kale cadowga looga gubay afar gaari, lagana qabsadayย  labo gaari oo kale iyo hub fara badan, haddaba siduu ku dhacay howlgalkaasi?, waxa uu u dhacay sidan:- ย Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo ku jira howlgalka sifeynta ah ayaa maleeshiyaadka Khawaarijtu waxa ay isku dayeen in ay dagaal kala hortagaan dhanka deegaanka Qodqod ee ku yaalla duleedka magaalada Camaara, waxaana halkaas loogu geystay cadawga jab xooggan oo aysan weligood ka soo waaqsaneyn.

Maleeshiyaadka Khawaarijta oo galabta lagu jabiyay deegaanka Qodqod ayaa magaalada Camaara xalay geeyay meydka horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo ahaa horjoogihii Jabhadaha gobalka Mudug u qaabilsanaa Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab,ย  sidoo kalena hoggaaminayay maleeshiyaadkii lagu laayay deegaanka Qodqod, sidoo kale wararka ka imaanaya magaalada ย Camaara ayaa sheegaya in cadowgu halkaas ay geeyeen meydad iyo dhaawacyo badan oo qeyb ka ahaa Maleeshiyaadkii galabta lagu gumaaday deegaanka Qodqod, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaaladaasi ay sheegayaan in Ciidamada Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo Xoogagga Difaaca Shacabka ay saaka uga dabatageen Khawaarijta Magaalada Camaara, islamarkaana howlgallo sifeyn ah ay ka wadaan magaalooyinka Bacaadweyn, Camaara iyo Qaycad.

Meelaha qaar Khawaarijta waxay isku dayeen inay hor istaagaan awooda geesiyaasha Qaranka laakiin waa lagu jabiyay intooda badan, sida saraakiil ka tirsan dowladda ay u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka, waxaana Ciidanka Dowladda iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay shalay jab xooggan ku gaarsiiyay Khawaarijta deegaanka Qodqod ee ku yaala duleedka Camaara.

Maxay ka dhigan tahay la wareeggidda Bacaadweyn, Camaara iyo Qaycad?, waxay ka dhigan tahay in gabi ahaanba ay gacanta dowlada soo galaan Degmooyinka iyo Deegaannada hoos yimaada Gobolka Mudug, taasi ayaa ah in ay kooxda Khawaarijtu ay kaga harsan yihiin Dowlad-goboleedka Galmudug oo kaliya qeybo yar oo ka tirsan Gobolka Galguduud, kuwaasina maalmaha soo socda ayaa gacanta lagu dhigi doonaa, โ€œMaalmihii wacnaa wey soo socdaanโ€, ย sida uu hore u yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dal xoreeye Dr: Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ku sugan Bartan hoggaaminta Ciidamada ee Magaalada Dhuusamareeb.

Mudug, Galguduud iyo Shabeelada dhexe khawaarijta si fiicanaa loogu quraacday, waxaa ka socdo howlgallo barakeysan, iyadoo Dhulka Howdka ah ee hoos yimaada Degmada Mahadaay oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe iyo Qaycad oo ka tirsan Mudug, ayay dadka deegeenku sheegeen inay ka maqlayeen daryanka madaafiicda iyo hubka lagu garaacayo khawaarijta, halka ay ciidamada huwanta la wareegeen deegaanka Bacaadweyne, xilli ay kooxda khawaarijta faarujiyeen Cammaar, ka dib markii Qodqod lagu dubtay shalay, taas oo ay ka difaacayeen magaalada Cammaara, iyadiina ay Ciidamada Xogga Dalka iyo kuwa deegaanku ay haatan si buuxda ula wareegeen.

Howlgalย  lagu beegsanayo horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa ka socday Aagga Jiinka Webiga Shabeelle, dhanka Bari deegaanno hoos taga ย degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe, kaas oo ay fulinayaan ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka, waxayna Sirdoonka Qaranka ay si dhow ula socday xogta horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo muddooyinkaan isku aruursanayay Aaggaasi, iyadoo ay jiraan khasaare xoog leh oo cadowga lagu gaarsiiyay howlgalkaan.

โ€œXafiiskii Amiirka Khawaarijta gobolka Mudug iyo qolkiisii ciriiriga ahaa horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo ahaa horjoogihii Jabhadaha gobalka Mudug u qaabilsanaa Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab waa difaacan waayay, waa kaasaa dabada jeediyey, kana huleeley! Ilaahay ayaa ku mahadsan, mujaahidiintuna ha guulaystaanโ€!, oraahdaasi waxaa Bartiisa Bulshada soo dhigay Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha gudaha ee XFS oo bilahaanba ku sugnaa Aagga hore ee Degamada Xarardheere ee uu ka socdo Dagaalka lagula jiro Khawaarijta, “Khawaarijta Saakay subax madow oo kale ayay u aheyd”, ayuu sii raaciyay Wasirrtka.

โ€œ Khawaarijta jab weyn ayaa ka gaaray Gobolada Mudug, Galguduud, Bakool iyo Shabeelada Dhexe, Allow adaa mahadaa iska leh, Geeshkayagoow guuleystaโ€, Wasiirka Gaashaandhigga ee Xuuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa isna ku soo qoray Bartiisa Bulshada.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Cali Ciid Daahir ayaa fariin Hambaliyo u diray guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Galmudug, ka dib qabashadi Saaka ee Degmada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, isagoo si aad ah u soo dhoweeyay guulaha is dabajooga ah ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa difaaca Shacabka, waxa uuna bogaadiyay horumarka ay ka sameynayaan xoreynta dalka. Ciidanka xoogga, kuwa difaaca Shacabka iyo Daraawiishta Galmudug geesinimada iyo nafhuriidda ay sameeyeen labadii cisho ee la soo dhaafay, si gaar ahna xoreynta Degaannada; Bacaadweyne, Qeycad, Shabeelow, Xinlibi, Galxagare, Hul-doonyaale, Sargo, Qodqod iyo Camaara, iyadoo Subaxnimadii hore ee Saaka ay ciidamadu ka qabsadeen khawaariijta Degmada Bacaadweyne, Camaara, Qaycad iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Duqeyn lala beegsaday dhagar-qabayaasha Alshabaab

MUQDISHO (SONNA)- Dagaal iyo duqayn dhanka cirka ayaa ka socota saldhig kale oo kooxda argagixisada Shabaab ay ku lahaayeen aagga…

GudahaWararka
August 1, 2021

Xiriirka kubadda cagta Galmudug oo lagu wareejiyey Qalab Sports “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Qalabkaan Sportโ€™s ayaa loogu talagalay degmooyinka Galmudug waxaana guddoomay Guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Galmudug Xasan Axmed Shire, waxaana munaasabada…

GudahaWararka
December 31, 2021

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeeray Ciidamada furimaha ku jira

Jowhar-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, S/gaas Ibraahim Sheekh Muxuddiin Caddoow , ayaa kormeer dhiirri-gelin ah ugu tagay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed…

GudahaWararka
January 2, 2024

Ciidanka Xoogga oo isku fidiyay deegaanno Horleh oo katirsan Galgaduud.

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo Khawaarijta looga sifaynayo ka wada deegaannada Ceel-Heele, Ceel-Dhiigsaar iyo Kalabayr oo u dhow magaalada Galcad…

Gudaha
April 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023