Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Khawaarijta oo wayday xubin muhiim u ahayd(Warbixin).
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Khawaarijta oo wayday xubin muhiim u ahayd(Warbixin).
GudahaMaqaalladaWararka

Khawaarijta oo wayday xubin muhiim u ahayd(Warbixin).

By Dahir Aadan Cali
Last updated: December 18, 2022
5 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Bishan waxay ahayd bil si weyn loo gumaaday Kooxda argagaxisada ah ee Khawaarijta, gaar ahaan Gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana Ciidamada Qalabka Sida, kuwa Deegaanada iyo Saaxiibada Caalamka oo is garabsanayaa ayaa duullaamo waaweyn ku qaadeen goobo ay iska soo abaabulayeen kooxa khawaarijta, shalay Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo halis weyn ku ahaa badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Yuusuf Jingaab wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Khawaarijta ee qaabilsanaa dhanka marin habaabinta, isagoo horay u qalday dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, waxaa lagu dilay hawlgal Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Juxaay, waxaana lala dilay Maleeshiyaad uu isagu hogaaminayay oo tiradoodu gaarayso 87 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, weerarkan ayaa waxa uu dhacay 15-kii bishan.

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga deegaanka ayaa ku dhawaad 50-Khawaarij ah ku dilay howlgal ay ka sameeyeen tuulada Daarul-nicma ee gobolka Shabeellaha dhexe iyo tuullooyin kale oo hoos taga degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeellada dhexe, iyadoo ay Ciidamadu weerar ku qaadeen goob ay isku aruursanayeen Maleeyshiyaadka Khawaarijtu, waxaana halkaas cadowga ku gaaray jab xooggan, iyadoo tuulooyin badan laga xoreeyay, sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka.

Duullamada joogtada ah ee lagu haayo Kooxda Khawaarijta ah ayaa ka dhigeysaa in ay waayaan meel ay ku gambadaan, waxaa kaloo gabaabsi ka ah cuntada iyo saadka,iyadoo ay u dheer tahay wel welka joogtadda ah, taasina waxaa ugu wacan isu socodkooda oo la xayiray iyo weeraradda joogtadda ah ee lagu hayo, khawaarijta ayey hadda nafta  ka maree intee ka baxnaa meel Alla, khawaariijta ayaa sidoo kale la kulmaya in dadweynuhu u diidaan in ay isticmaalaan Doomihii iyo goobihii ay ka gudbi jireen ee webiga jiinkiisa.

Madaxweynaha JFS Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay Kooxda Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa sheegey inay yihiin Urur Maafiya ah oo aan wax shaqo ah ku lahayn Diinta Islaamka oo aan caqiido ku saleysneyn, wxuuna tilmaamay in Soomaalida laga soo gali karo laba Irdood oo kala ah Qabiilka iyo Diinta ayaa soo huwaday Buste ay ku sheegeen inay wadaan Diin, sidaasi awgeed maanta ay wada garteen Ummaddea Soomaaliyeed inay yihiin Burcad meel wada fadhida, isagoo farta ku fiiqay inay lagu kacay loona istaagay iska dhicintooda.

Madaxweynaha waxa uu ka sheekeeyay siyaasaddii ku aadaneyd Kooxda Shabaab 15-kii sano ee ugu dambeysay ay ku saleysneyd laba qodob, kuwaasi oo kala ah Midka !-aad. Yaysan ku sii fidin dalalka Deriska la ah Soomaaliya iyo dalal kaleba oo meeshooda ha lagu haayo, qodobka 2-aad ee uu timaamay ayaa ahaa, Shabaab awoodooda ha la dhimo, ha lagu qasbo inay gambadaan, lana bar-tilmaameydsado horjoogayaashooda, Warshadaha ay ku sameeyaan Qaraxyada iyo Goobahooda Ciidan.

Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:- “ labadaasi arrimood waxay ahaayeen kuwo ku aadan hal dhinac oo ah Militari ahaan, annagu waa fekernay, doodo iyo falanqeyn  oo Dalka gudahiisa iyo dibadiisa ku kala qabanay kadib, waxaan isla garanay siyaasad lagu wajihi karo Kooxda Khawaarijta ah, waxayna ku taagan tahay dagaal seddex waji leh ama tiir oo kala ah Midka militariga, kan Fikirka ama Caqiidada iyo kan 3-aad oo ah in lagala diriro dhanka Dhaqaalaha, arrimahaasi ayaa haatan ka ku wadnaa”.

Madaxweynaha Jfs oo hadaladaasi qiimaha leh ka jeediyay isu soo bax ay ku soo dhaweynayeen Madaxeynahooda Shacabka ku nool Gobolka Minisota ayaa yiri:-  “Waxa aan kala qeyb galay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga Ameerika isku soo bax ballaaran oo lagu taageerayay halganka dib u xoreynta dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-shabaab”.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in awood ahaan iyo dhaqaale ahaanba loo jabiyay Khawaarijta, isla markaana uu gabagabo yahay qorshaha looga takhalusayo fikirkooda quracan ee ka dhanka ah diinteena suuban, wuxuuna ku timaamay  Mudane Xasan Shiikh Xaaladda Kooxda Khawaarijta ah Kalluun ama Malaay Biyihii ka gureen.

Isku soo wada xooriyoo 5 sano ka dib, Soomaalida iyo Dunida hadda waxa ay arkaysaa Hogaan Soomaaliyeed oo leh aragti hogaamineed ee cad kuna dhisan aqoon iyo xog-ogaalnimo.

SONNA Editorial

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Biixi: “In dhaqaalaha dalka uu kordho waxaa Laf-dhabar u ah amniga”

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS, mudane, Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in korodhka uu sameeyay dhaqaalaheennu uu sabab u tahay…

GudahaWararka
August 6, 2024

Xal laga gaaray dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Xabad joojin hordhac ah ayaa laga gaaray dagaalo culus ka dhacay deeganada Kabxanleey iyo Deefoow ee waqoyiga Magaalada…

GudahaWararka
September 9, 2021

Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo dalka Turkiye ugu deeqay shan malyan oo dollar

Muqdisho(SONNA):-Dowladda soomaaliya oo maanta wareejisay 5-malyan doolar lacagata oo ay dowladda   iyo Shacabka Soomaaliyeed uga qeb qaadanayaan  u gurmashada walaalaha…

GudahaWararka
March 5, 2023

Tirda dhimashada Israel ay ka geysaneyso Rafah oo sii kordhaya

Israel ayaa lagu waramay in ay xoojisay duqeymanka lala beegsanaayo Rafac,halkaasi oo saacadihii u dambeeyay lagu dilay 8 caruur ah.…

Caalamka
February 9, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023