Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Khawaarijta oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku dhow 30 looga dilay gobolka Hiiraan
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Khawaarijta oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku dhow 30 looga dilay gobolka Hiiraan
GudahaWararka

Khawaarijta oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku dhow 30 looga dilay gobolka Hiiraan

By Kanaava Mohamed
Last updated: May 2, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA):-Ciidamada Qaranka iyo kuwa Deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa maanta Khawaarijta ku jebiyey weerar ay ka soo qaadeen seddax jiho, halkaas oo lagu gaarsiiyay jab xooggan.

Khawaarijta ayaa looga dilay ku dhawaad 30 Khawaarij ah oo horjoogayaal ajaanib ah ay ku jiraan, iyagoo goobihii dagaalka ka qaatay meydad iyo dhaawacyo tiro beel ah, waxaana lagu soo bandhigay meyd kale oo goobta uga carareen.

Taliyaha Guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Xujaale “25 ka tirsan meydadkii Khawaarijta ay ka carareen ayaan gacanta ku haynaa, Saddex aag oo ay ka soo weerar tageena waan ku jabinay.”

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ku bogaadiyey jabka khawaarijta maanta loogu geystay deegaanada Muqluga Cali , Ceelhareeri, Hareeri Madoobe iyo Garas Magan ee ku yaala xaduudka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Waxaan bogaadinayaa, si weyn u garab taaggannahay xaq u dirirka ciidamada Xoogga dalka iyo macawislayda Kula diriray khawaarijta deegaanada Muqluga Cali , Ceelhareeri, Hareeri Madoobe iyo Garas Magan iyo deegaanada kale kuwaasoo galabtay wacdaraha ugu dhigay Kooxda Khawaarijta, dhabarkana u saaray guuldarro xooggan ilaa lagu qasbay in ay ka cararaaan tobonaan ka mid ah maydadkoodii” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa intaas ku daray”Khawaarijta tabartoodu waa intaas, waxayna reer Hiiraan muujiyeen dhabar adayg iyo geesinimo laga qaadan doono casharro, meel kasta oo ciidamada qaranka, kuwa dawlad Goboleedyada iyo kuwa deegaanku ay ku sugan yihiin waxaan ku dhiiragalinayaa in uu bilowday jabkii khawaarijtii rogaal-celinta waday, sidaas awgeed in la xoojiyo dagaalka xaqqa ah ee lagula jiro”.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah Khawaarijta kawada qeybo kamid ah dalka, kuwaas oo looga dilay Maleeshiyaad badan oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare oo Khawaarijta muhiim u ahaa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Bayaanka Caalamiga ah ee xuquuqda Falastiin iyo xasuuqa lagu hayo GAZA (WARBIXIN)

Ergooyinka ka qaybgalaya Shirweynaha 3-aad ee Dilemmas of Humanity ee ka socday Johannesburg ayaa daba socda weerarrada arxan-darrada ah ee…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
November 6, 2023

Caalamka oo caro ka muujiyay 40 ruux oo lagu dilay dugsi ku yaalla Gaza

Militariga Israa'iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Gaza, iyagoo dilay 40 kale oo Falastiiniyiin ah ,xilli ay sii…

Caalamka
September 13, 2024

Maalintii 2-aad ee qaybinta Hilibka udixiyada ee ay taageerayso xarunta Boqor Salmaan oo Soomaaliya ka socda

Muqdisho (SONNA): Waxaa maalintii 2-aad waxaa si habsami leh uga socda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Howlaha qeybinta Hilibka udxiyada,…

GudahaWararka
June 17, 2024

Ciidanka Xoogga Dalka oo khaarijiyay 2 horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab

Muqdisho (SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Bay waxaa ay ku khaarijiyeen horjooge sare oo…

GudahaWararka
September 14, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023