Xarardheere-(SONNA)-Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan aagga degmada Ceeldheer ayaa nolosha ku qabtay ugu yaraan 2 dhagar qabe oo ka soo baxsaday Khawaarijtii xalay lagu laayay degaanka Ceel-qaboobe oo hoos tagta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Khawaarijtan waxaa maanta lagu qabtay degaan lagu magacaabo Howdley oo dhaca inta u dhaxeysa Ceeldheer iyo Xarardheere, kuwaasi oo ka badbaaday howlgal xalay xilli dambe lagu laayay in ka badan 60 Khawaarij ah.
Khawaarijta ay ciidanka Qaranku laayeen ayaa xalay isku dayday in ay xeebaha gobolka Mudug kala soo degaan kiimikooyin halis badan oo laga sameeyo waxyaabaha qarxa, waxaana cadowga la xasuuqay ku jiray horjoogayaal ajaanib ah oo kooxda ka caawin jiray sameynta qaraxyada ay dadkeenna ku laayaan.