Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khawaariijta oo looga adkaaday dagaalka fikirka (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaariijta oo looga adkaaday dagaalka fikirka (WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

Khawaariijta oo looga adkaaday dagaalka fikirka (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 11, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)–Dowladda Soomaaliya ayaa markii ay xilka la wareegtay muddo haatan laga joogo muddo 7-bilood ah Iclaamisay in dagaal lagu qaado Kooxda Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Khawaarijta, kaasi oo ka kooban mid Militari, Mid Dhaqaale iyo mid Fikirka ah ama Wacyigalinta dhinaca Diinta ah, waxaana la qabtay shirar ay ka soo wada qeybgalayaan dhammaan Culuuma’udiinka Soomaaliyeed kaasi oo ka kala dhacay Dalka Dibaddisa iyo gudahiisa, kuwaasi oo looga gol lahaa inay la bayaamiyo waxa ay Diintu ka qabto Kooxdaasi, waaana ka soo baxay go’aanno lagu caddeynayo.

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid Culumada Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay bur burinta ay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ku hayso goobaha cibaadada sida Masaajidda, Dugsiyada Qur’aanka iyo goobaha kale ee lagu barto diinteena Islaamka, waxaana uu sheegay in Khawaarijtu ay u soo jeesatay burburinta diinteena, Masaajidda, dhaqaalaha iyo goobaha waxbarashadda, wuxuuna  adkeeyay go’aanka ay dowladda federaalku ku wajaheyso soo afjarida kooxda,

“Argagaxisadu waxay u soo jeesatay burburinta diinteenna Islaamka, Masaajidda, dhaqaalaha iyo goobaha waxbarashada  waana in leyska celiyaa si taas aysan ugu rumoobin”, ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis, wuxuuna sii raaciyay, isalmarkaana Sheekhu,   bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu kaceen xoreynta dalka, xilli sanado badan ay dhibaato ku haysay Argagixisada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya xoogagga kacdoonka dadweynaha ayaa ku guuleystay in ay deegaanno iyo degmooyinka badan ka xoreeyaan Khawaarijta, kuwaas oo hadda dib loogu soo celiyay adeegyadii bulsho ee muddo argagixisada hortaagneyd, sidaasi awgeed ayuu Ra’iisal wasaare Xamsa ayaa sheegay in culumada Soomaaliyeed ay cadeeyeen in nimankaas cadowga ee dalka iyo dadka dhibaateeyay lala dagaallamo lagana ciribtiro guud ahaan dalka si loo helo nabad iyo kala dambeyn waarta.

“ Waxyaabaha ay aadka ugu hadleen waxaa ka mid ah in nimankaas cadowga ah ee aan ka dhaqaaqi la’nahay lala dagaallamo oo sidii dowladdu ay u jideysay oo ah Ciidana ahaan (Militari) loola dagaallamo, dhinaca dhaqaalaha iyo fikirkana lagala dagaallamo intaba culumada aad bay uga hadleen,” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha XFS.

Masuuliyiinta kale ee ka hadlay arrintaasi ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa sheegay in lagu guulaystay dagaalkii dhaqaalaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku qaadday khawaarijta Argagaxisada ah ee Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in gacanta lagu dhigay Talefoonno iyo Akoonno tiro badan oo lacagaha loogu diri jiray khawaarijta isaga oo ganacsatada Soomaaliyeed uga mahad-celiyey sida joogtada ah ee ay mar walba u la soo wadaagaan xogaha la xiriira meelaha lacagaha looggu diro Al-Shabaab.

Wasiirku, wuxu sidoo kale tilmaamay in hadalkii Cali Dheere uu caddeynaayey in looga guulaystay dagaalkii dhaqaalaha ee dawladdu ku qaadday Khawaarijta Al-Shabaab kaasi oo uu tilmaamay in uu ahaa guul u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed ” Cali Dheere adiga iyo Khawaarijta kale waxba la idin ka waydiin maayo ilaalinta Hantida Soomaaliyeed, cidda laga ilaalinaya waa idinka oo khawaarij ah” ayuu yiri Wasiirku.

Waxaa kaloo jira in Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diintu ay qabatay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socday magaalada Muqdisho 23-26 Jannaayo 2023, ayaa waxaa laga soo saaray Warmurtiyeed dhowr qodob ka kooban, waxaa kaloo jira mid ka soo baxay wasaaraddaasi  7-dii bishan Febraayo ee sanadkan, ayna ka soo saartay War-saxaafadeed ay uga hadleysay la macaamilka Kooxda Khawaarijta ah, wuxuuna u qornaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda in loo midoobo  dabar-goynta kooxaha Argagixisada ah si loo xaqiijiyo duni nabdoon, horumarsan, caddaalad ah, isla markaana si siman oo loo dhan yahay u wadaagta fursadaha jira, wuxuna hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay sii xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyada oo la iska kaashanayo dhinacyada amniga, xasilloonida iyo abuuridda jawi horumar guud oo dhan walba ah, si waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliya, wuxuuna sii raaciyay ”Waa in loo Midoobo Ciribtirka Argagixisada si loo xaqiijiyo Duni Nabdoon.”, Madaxweynu waxa uu hadaladaasi ka sheegay mar uu Magaalada Roma hadal uga jeediyay Jaamacadda LUISS Guido Carli University ee magaalada Rome.

Haddaba maadaama ay Dowladda Soomaaliya ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii loo ciribitiri lahaa Fikirka Xagjirka ah ayay qaadday tallaabooyin lagu xaqiijin lahaa arrimahaasi xaqiijintooda, Ilaah mahadii waxaa soo dhammaaday waayahooda jiritaan, waxayna dowladda mar walba soo saartaa awaamiir lagu giijinayo dagaalkooda oo kala ah,  mid Ciidan, mid Dhqaaale iyo mid Fikirka ah ama ka wacyigalinta Bulshada, waana ku wada guuleysteen dhammaantood seddexdaasi arrimood oo ay Dowladdu ku dagaal gashay, iyadoo midka ugu muhiimsan uu yahay kan Fikirka oo ay Culumaaudiinku u tilmaameen in ay Kooxda Khawaarijtu wadin ama ku dhaqmeyn wax Diin ah, sidaasi awgeed Khawaariijta waxaa looga adkaaday dagaalka fikirka, sidii looga adkaaday kii Militari iyo kii dhaqaalaba.

By:- Claahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

IGAD oo si Adag uga Soo Horjeesatay Isku Dayga Israa’iil ee Aqoonsiga Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya

Jabuuti(SONNA):-Qoraal kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in ururku si dhow ula socdo horumarrada ka socda Geeska Afrika,…

GudahaWararka
December 27, 2025

Maxaa iska beddelay Dakhliga Dowladda Soomaaliya kaddib ololaha la dagaallanka Musuqa?

Muqdisho(SONNA):-Dabayaaqadii Abriil-2023 dowladda Soomaaliya waxa ay billowday dagaal ka dhan ah musuqa iyo boobka dakhliga dowladda ka soo gala ilaha…

GudahaWararka
July 15, 2023

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo Madaxtooyadda ku qaabilay Gabdhaha Agoonta ah ee Iskuulka Boondheere “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Madaxtooyadda ku qaabilay Gabdhaha Agoonta…

GudahaWararka
December 29, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo lagu soo dhoweeyay DalkaTurkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga…

Gudaha
March 1, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023