Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI
    March 11, 2026
    Wasaaradda Cadaaladda oo Shaacisay Liiska Nootaayooyinka Sharciyeysan ee Sannadka 2026
    March 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khawaarijta oo qarka u saaran in dagaal ka dhex qarxo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaarijta oo qarka u saaran in dagaal ka dhex qarxo
MaqaalladaWararka

Khawaarijta oo qarka u saaran in dagaal ka dhex qarxo

By SB
Last updated: April 3, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaarijta arxanka daran ee Al-shabaab oo mudda dheer dhibaato ku heysay shacabka Soomaaliyeed ayaa hadda wajaheysa xaalad bur-bur iyo kala carar ah,kadib markii ay jab xooggan ka soo gaaray dagaalka xaq u dirirka ah ee geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo khawaarijta ka saaray degaanno badan.

Kaaxaha khawaarijta ayaa hadda wajahaya kala shaki iyo cabsi weyn ay soo kala dhaxgashay horjoogayaasha Maleeshiyada khawaarijta oo qarkood la go’doomiyay,halka kuwa kalana ay dileen waxaana sababta arintaa ay tahay cabsida ay ka qabaan ciidanka xoogga dalka ,kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah oo harsi iyo hoyaad u diiday khawaarijta gabalkoodu dhacay,khilaafka ayaa hada u sii gudbay horjoogayaasha ajaanibta ah ee ku jira khawaarijta kuwaa qarka u saaran in ay dagaalamaan.

Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijisay in habeenimadii khamiista ay khawaarijtu degmada Jilib gobolka jubbada dhexe ku xir xireen ajaanib ka badan toban,kuwaa oo si gaar looga qabatay deegaanka kamsuuma ee goboblkaasi,waxana ajaanibtaa soo xirtay horjoogaha amniyaadka muhaajiriinta waxa y ugu yereen Al-Shabaab Maxamed Amiin kana soo jeedo Guriceel gobolka Galgaduud
Horjoogahaan Maxamed Amiin ayaa waxaa wadada u galay kolonya ay la socdeen muhaajiriinta ay soo xir xireen kuwaa oo ka agdhaw garabka Salmaan Muhaajir oo ah horjooge u dhashay dalka Kenya.

Khawaarijta ayaa isku dayay in ay maquuniyaan horjoogayaasha ajaanibta ah ee hadda hoggaankooda loo dhiibay Jacafar Sudaani oo ka soo jeeda dalka Sudaan,kadib markii horjoogasha labadaa koox ay si adag isku qilafeen, kaa oo hada qarka u saaran in dagaalamaan.

Horjooge Maxamed Amiin oo isagu awood gaar ah ka heysto horjoogaha dhagarta badan Mahad karataay ayaa ku dhaqaaqay in uu afduubto horjoogayaasha ajaanibta garabka salmaan Muhaajir,waxan xubnaha ajaanibta ee la xirxiray badankood ay ka soo jeedaan dalka Kenya kuwaas oo aad ugu dhow Salmaan Muhaajir,tani ayaana muujineyso bur burka iyo dabargo ah khawaarijta.

Horjoogayaashaan tobaneyada gaarayo ayaa lagu xiray xabsiyo qarsoodi ah oo ku yaalo degmada jilib ee gobolka Jubbada dhexe waxana xaaladda qarka u saaran tahay in dagaal ka dhex qarxi horjoogayaasha ajaanibta ah khawaarijta ka tirsan kuwaa dalkeenna u yimid sidii ay u baadiyeen lahayeen dhalinyarada la qalday ee katirsan khawaarijta.

Salmaan Muhaajir oo loo saariyay guul darada ah in ajaanibta ay ka gaabisay in tagaan furumaha dagaalka oo ay ka qeyb galaan dagaalka Maleeshiyada khawaarijta ee Soomalida ah oo ay qaldeen,waxana intaa kadib laga joojiyay wax alaala wixii uu ka heli jiray khawaarijta oo ay kamid tahy dhaqaalaha sida xoogga ah looga qaado ganacsatada Soomaaliyeed iyo in uu hoggaamiyo maleeshiyad ajaanibta ah waxan laga dhigay howlgab oo waa la go’doomiyay kamana bixi karo degmada jilib ee gobolka jubbad dhexe oo uu hadda ku sugan yahay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

Jabuuti.SONNA….Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Duqa Muqdisho oo ka qayb galay dibad bax ka dhan ah damaca gurracan ee Itoobiya

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Kuxigeenadiisa iyo Xoghayaha Guud ayaa…

GudahaWararka
January 3, 2024

Guddiyada Maaliyadda Baarlamaanka JFS oo wasiirka Maaliyadda su’aalo ka weydiiyey miisaaniyadda qaranka ee sanadka 2026

Muqdisho(SONNA):- Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa aqal ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo…

GudahaWararka
November 27, 2025

Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS oo Dooxa kula kulantay dhiggeeda Dowladda Qatar

Muqdisho.(SONNA): Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Al-makhzoumi ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar kulan mira…

GudahaWararka
March 1, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey Shirka dar dargelinta iyo Abaabulka Halganka Dib u Xoraynta

Dhuusamaareeb(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye…

GudahaWararka
August 10, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023