Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khaaarijtu sidii laga filaayay ayay u calaacashay (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Khaaarijtu sidii laga filaayay ayay u calaacashay (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Khaaarijtu sidii laga filaayay ayay u calaacashay (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 16, 2023
6 Min Read
Share

Alshabaab ayaa dadka u ballaminaya hadal-jeedinta mid ka mid ah horjoogeyaasha kooxda ugu arxanka daran, waa Mahad Karatee. Waxay na leeyihiin wuxuu ka hadli doonaa xaaladda Ciidan iyo Siyaasadeed ee dalka ka taagan. Si fiican ugu fiirso erayada “Siyaasad iyo Dalka” oo is weydii goorma ayay Alshabaab dal u aqoonsadeen Soomaaliya?,  sow kuwii lahaa waa gobol hoos taga Alqaacidda oo cid kasta u furan?, goorma ayayse qaamuuskooda ku soo dareen arrimaha siyaasadda?,  Siyaasadda marka la qeexayo waxaa lagu tilmaamaa” Sameynta wixii suurto gal ah”,  iyaga waxaa siyaasad u ah wax kasta oo aan suurtogal aheyn.

Sidoo kale u fiirso ninka hadlaya  waa Mahad Karatee, mid ka mid ah qandaraasleyaasha sida weyn uga macaasha daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed”,  Markii ugu dambeysay ee uu hadlo waxa uu qiil u sameeyay xasuuqii 29 October ee sanadkii hore ka dhacay Zoobe oo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof oo shacab ah!, Ma xusuusataa hadalkiisii?, wuxuu yiri ” Dowladda ayaa mas’uul ka ah shacabkii dhammaaday waayo, waxay rasaas ku furtay, gaarigii qaraxa siday ee aan ku dhufannay Wasaaradda Waxbarashada”

Sababta Mahad Karatee u hadlaayo waa maxay? Mahad Karatee ma aha, hoggaamiyaha dhabta ah ee khawaarijta ee aaway Axmed Diiriye? Jawaabta oo kooban, Shabaabku waxay ciyaarayaan kaarka qabiilka, sidaas darteed intii gulufkan lagu wiiqayo socday waxay isticmaalayeen kuwo fallooci ah oo ka soo jeeda beelaha deegaannada lagula dirirayo. Markii uu gubtay kaarkii  Yuusuf Sh. Ciise Kabo ku-tukade, hadda waa Karatee. Waa isku day quusi ka muuqato, bal haddii hab beeleed lagu beer laxawsan karo dadka deegaanka ee u kacay xididdo siibka khawaarijta Shabaab.

Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa ka socda dagaal jiritaan oo ay tahay in uu dhan u dhaco, dhanka uu u dhacayana waa muuqdaa!, Shabaab waxaa u furan labo waddo middood:-  In ay is dhiibaan iyo in ay ku dhammaadaan gacanta dowladda iyo shacabka is garabsanaya.

Maxaa laga filan karaa Mahad Karatee?  Marka uu khudbeynayo waxaad ka maqli doontaa Aayado Qur’aan iyo Axaadiith,  isagoo is bihin bihinaya, waxaa kaloo hadalkiisa ku jiri doona qiyaasteyda dhacdooyin kooxdu u arkaan guulo ay gaareen sida dagaalkii Cowsweyne, qaraxyo iyo weerarro kale, oo uu isku dayayo in uu kor ugu qaado mooralka maleeshiyaadka ciirsiga la’ ee kooxda.

Haddii la soo koobo hadalka Mahad Karatee waxa uu xambaarsan yahay catow iyo in uu guuldarrada kooxda u yeelo dhadhan guuleed,  Laakiin Shacabka Soomaliyeed iyo dowladdoodu waxay gaareen go’aankooda ah “Guul ama Geeri”

Mahad Karatee sidiiba la filayay ayuuba u calaacalay. Cadow ayaa na soo weeraray!,  Shareecadaa lala dagaalayaa!,  Guul ayaan gaarnay!,  Askarta Alle ayaan nahay, Balaa Balaa Balaa!, wuxuuna magac dhabay beelo uu is xijinayo oo uu yiri waxay noo yihiin garab. Waa siyaasadda qeybi oo xukun ee Argagixisadu muddo ku soo caano maashay, balse hadda u shaqeyn la’, wuxuuna guulo been ah ka sheegtay dagaallo ka dhacay meelo kala duwan sida Cowsweyne, Owdheegle, Daarunimca, Alkowthar, Ruun-Nirgood iyo goobo kale oo badankood lagu jabiyay, lagana eryay Alshabaab.

Mahad Karatee wuxuu ciyaaray kaalintii wariyeyaasha kooxda oo wuxuu soo gudbiye ka ahaa filin qoran oo ay la socdaan codad (Sound Bites) dad dhintay iyo kuwo nool oo si khaldan looga faa’iideysanayo fasirkooda, waxaase ugu xiiso badan calaacalka Mahad Karatee in uu Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dal iyo dibad ka codsaday in ay garab siiyaan Alshabaab,  wuxuu soo xusuustay inay jiraan dad Soomaaliyeed oo la yiraahdo Aqoon yahan, Culimo, Haween, Qurbejoog iwm, waxaase ugu sii yaab badan markii uu yiri:-  Wax dhiig leh idikuma jiraan miyaa?.

Hadda Ogow Shacabka uu gargaarka ka dalbanayaa waa kuwii uu tarab-tarabta ugu laayay qaraxyada ee uu digashada ugu daray!  Isgoyska Zoobe October 14,2017-kii iyo October 29, 2022kii, Zope 1, waxay Khawaarijta  Alshabaab ku xasuuqeen ku dhawaad kun qof, kan labaadna in ka badan 100 ruux oo rayid ah.

Mahad Qaleey (Karatee) markii uu hadlaayay kama muuqato in uu furin dagaal joogo.,  waxa uu ka soo hadlayaa qol si fiican loo naqshadeeyay oo qaboojiye ku xiran yahay, laguna xardhay astaamaha khawaarijta. Waxa uu joogaa goob aan dagaal ka jirin hadda, waxay noqon karta jilib ama goobaha kale ee kooxdu ku dambeyso. Mahad Karatee, waxaa codkiisa ka muuqata cabsi iyo walwal uu ka qabo masiirkiisa iyo kan kooxdiisa gabaabsiga ah. Horjoogeyaasha Argagixisadu taariikh ahaan ma tagaan, kumana dhintaan fagaareyaasha dagaalka.

Tusaale ahaan;  Hoggaamihii Alqaacidda Usaama Bin Laadin waxaa lagu dilay Guri ku yaalla Pakistan, Ninkii baddelay ee Ayman Aldawahiri waxaa lagu dilay Guri ku yaalla xaafadda diblomaasiyiinta ee Kabul, Axmed Godane waxaa lagu dilay meel u dhow Baraawe isagoo qare cunaaya,  Aadan Ceyrow waxaa lagu dilay Guri ku yaalla Dhuusamareeb,  Saalax Nabhaan waxaa lagu dilay duleedka Baraawe,  isagoo  tijaabsanayay gaari nooca raaxada ah oo hadiyad loo siiyay, Fasuul Cabdalla waxaa la dilay isagoo gaari ku watay 40 kun oo Doollar, markii uu waddo khaldan qaaday.

Madaxda Argagixisada iyaga iyo qoysaskoodu qeyb kama aha dagaallada ee carruurta islaameed ayay xaabo ka dhigtaan marka ay marin habaabiyaan.

W.Q. Liibaan Cabdi Cali.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

waxqabadkii ballaarnaa ee u qabsoomey labadii sano ee lasoo dhaafey.

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo qeyb ka ah Bandhigga waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ayaa soo bandhigtey waxqabadkii…

GudahaWararka
August 25, 2024

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyey qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay…

GudahaWararka
August 5, 2020

Madaxweynaha isagoo helaya digniino amni, misana kama baaqan in uu tago furimaha (WARBIXIN)

Madaxweynaha JFS, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay xerada ciidamada Guutada…

GudahaMaqaalladaWargayska
September 6, 2023

Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Hindiya

SONNA (MUQDISHO)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Hindiya…

GudahaWararka
May 29, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023