Jilib-(SONNA)-Waxaa gebi ahaanba bas beelay keydkii hubka iyo saanadda ee malleeshiyada khawaarijta Al-shabaab ay ku lahaayeen degmada Jilib ee gobolka Jubadda dhexe.
Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa ogaatay in guri weyn oo ku yaallay dhabarka dambe ee Masjidka gureey ee degmada jilib oo keyd hub u ahaa malleeshiyaadka khawaarijta uu deb qabsaday, halkaas oo uu ku baabaโay keydkii hubka ee kooxda oo ahaa kan ugu weyn ee ay koofurta Soomaaliya ku lahaayeen argagixisadu.
Qaraxan ka kacay keydka hubka ee ay khawaarijtu ku lahaayeen degmada Jilib ayaanan la ogeyn sababta dhalisay, waxaana la sheegayaa in ay kooxdu u xirtay horjooge lagu magacaabo, Cabdullaahi jeeri oo bakhaar haye u ahaa kooxda.
Kooxda khawaarijta Al-shabaab ayaa waxaa dhowr goor oo hore ka gubtay keyd hub iyo rasaas ah oo ay ku lahaayeen koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, taas oo lagu sababeeyay khilaafka xooggan ee soo kala dhex galay horjoogayaashooda.