Nairobi (SONNA):- Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka qeybgalay manaasabad xarigga looga jarayay Duulimaadkii ugu horeeyay ee Diyaaradda Kenya Airways ku tageyso Magaalada Muqdisho.
Munaasabadaan oo ka dhacday gudaha Garoonka Caalamiga ah ee Jooma Kenyatta ayaa waxaa ka qeyb galay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyaย u fadhiya Dalkaan Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Difaaca Dowladda Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale,ย Wasiirka Gaadiidka iyoย Duulista Hawada Dowladda Kenya Mudane Onesimus Kipchumba Murkomin.
Madax kala duwan iyo Mas’uuliyiinta Shirkadda Diyaaradahaย iyo rakaabkii nasiibka u yeeshay in ay maanta raacaan duulimaadkii ugu horeeyay ee Diyaaradda Kenya Airways ku tageyso Garoonka Diyaaradda Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan ee Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn ayaa Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa waxa uu Warbaahinta Qarankaย Soomaaliyeed uga warbixiyay muhiimada ay u leedahay in Shirkada Diyaaradaha Kenya Airways maanta bilowdo Dulimaad toos ah ay ku tagi doonto Muqdisho, Nairobi iyo faa’iidada ay u leedahay Shacabka Soomaaliyeed ee u kala safra Soomaaliya iyo Dalkaan Kenya.
Tani waa talaabo wanaagsan oo qeyb weyn ka qaadan karto hurumarka iyo isku socodka dadka iyo badeecadaha dalka, maadaama Dowladda Somaaliya dhawaan ku biirtay Ururka Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.