Muqdisho.(SONNA):- Kalfdhiga shanaad ee Golaha Aqalka sare ayaa maanta si rasmi u soo xirmay, waxaana golaha u qabsoomay 27-fadhi oo lagu ansixiyay 8-sharci oo muhiim ah.
Shuruucda la ansixiyay waxaa si qota dheer uga shaqeeyay guddiyada kala duwan Aqalka oo la-tashiyo kala duwan la yeeshay qeybaha bulshada ay quseeyeen sharciyada la meel mariyay, si loo turxaan bixiyo.ย