Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Jabuuti oo looga dabbaaldegay 25-guuradii ka soo wareegatay shirkii Carta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Jabuuti oo looga dabbaaldegay 25-guuradii ka soo wareegatay shirkii Carta
GudahaWararka

Jabuuti oo looga dabbaaldegay 25-guuradii ka soo wareegatay shirkii Carta

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 30, 2025
2 Min Read
Share

Carta-Jabuuti–(SONNA)-Magaalada Carta ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa saaka martigelisay xaflad heer qaran ah oo lagu xusayay 25-guuradii shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Wasiirro, mas’uuliyiin sar-sare oo ka socday labada dal iyo marti sharaf isugu jira mas’uuliyiin qaran, diblomaasiyiin iyo wariyeyaal.

Intii lagu guda jiray xafladda, labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u furay “Taallada Nabadda Soomaaliyeed”, oo laga dhisay goobtii uu ka dhacay teendhadii taariikhiga ahayd ee lagu qabtay shirkii dib-u-heshiisiinta qaran ee Carta sanadkii 2000-kii, kaas oo ahaa dhacdo taariikhi ah oo ka mid ah tallaabooyinkii ugu muhiimsanaa ee lagu soo celiyay dowladnimada Soomaaliya kadib sanado badan oo dagaal sokeeye ah.

Sidoo kale, waxaa la daah-furay Matxafka Carta, oo diiwaangelinaya marxalado muhiim ah oo taariikhda siyaasadeed iyo bulsho ee Soomaaliya laga soo billaabo 1960 ilaa 2025, iyadoo uu matxafku xambaarsan yahay sawirro iyo dukumentiyo naadir ah oo muujinaya geeddi-socodkii dhismaha dawladnimada casriga ah iyo dadaalladii dib-u-heshiisiinta qaran ee ka billowday Carta rubac qarni ka hor.

Munaasabaddan ayaa ahayd xus iyo maamuus loo sameeyay mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee siyaasadeed ee taariikhda Soomaaliya casriga ah, iyo amaanno loo jeediyay hoggaamiyayaashii qaran ee aas-aasay nidaamka federaalka iyo dhismaha hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.

Ugu dambayntii, xafladdu waxay ku soo idlaatay bandhig farshaxan iyo filim dukumentari ah oo soo bandhigay safar 25 sano ah oo isugu jira caqabado iyo guulo, iyadoo lagu jiro jawi farxadeed oo muujinayay xiriirka walaaltinimo ee qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo go’aankooda wadajirka ah ee ku aaddan xoojinta nabadda, midnimada iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Isgaarsiinta oo dardargelineysa adeegga Boostada Qaranka

Muqdisho,(SONNA):- Iyadoo la dardar gelinayo hawlaha mudnaanta u leh horumarinta Wasaaradda iagaarsiinta iyo teknolojiyada gaar ahaan waaxda adeegga Boostada, ayaa…

GudahaWararka
April 20, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh: ”Wax wada-hadal ah oo aan la furnay Khawaarijta ma jirto waa been”

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan jirin wax wada hadal ah oo ay dowladdu la…

GudahaWararka
July 2, 2024

Saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka oo tababar loo soo xiray +Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya ayaa tababar soconayay Saddex Cisho loogu soo geba-gabeeyay Magaalada Muqdisho. Tababarkan…

Wararka
October 25, 2019

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Hodan…

GudahaWararka
December 26, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023