Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Jabuuti oo looga dabbaaldegay 25-guuradii ka soo wareegatay shirkii Carta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Jabuuti oo looga dabbaaldegay 25-guuradii ka soo wareegatay shirkii Carta
GudahaWararka

Jabuuti oo looga dabbaaldegay 25-guuradii ka soo wareegatay shirkii Carta

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 30, 2025
2 Min Read
Share

Carta-Jabuutiโ€“(SONNA)-Magaalada Carta ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa saaka martigelisay xaflad heer qaran ah oo lagu xusayay 25-guuradii shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Wasiirro, masโ€™uuliyiin sar-sare oo ka socday labada dal iyo marti sharaf isugu jira masโ€™uuliyiin qaran, diblomaasiyiin iyo wariyeyaal.

Intii lagu guda jiray xafladda, labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u furay โ€œTaallada Nabadda Soomaaliyeedโ€, oo laga dhisay goobtii uu ka dhacay teendhadii taariikhiga ahayd ee lagu qabtay shirkii dib-u-heshiisiinta qaran ee Carta sanadkii 2000-kii, kaas oo ahaa dhacdo taariikhi ah oo ka mid ah tallaabooyinkii ugu muhiimsanaa ee lagu soo celiyay dowladnimada Soomaaliya kadib sanado badan oo dagaal sokeeye ah.

Sidoo kale, waxaa la daah-furay Matxafka Carta, oo diiwaangelinaya marxalado muhiim ah oo taariikhda siyaasadeed iyo bulsho ee Soomaaliya laga soo billaabo 1960 ilaa 2025, iyadoo uu matxafku xambaarsan yahay sawirro iyo dukumentiyo naadir ah oo muujinaya geeddi-socodkii dhismaha dawladnimada casriga ah iyo dadaalladii dib-u-heshiisiinta qaran ee ka billowday Carta rubac qarni ka hor.

Munaasabaddan ayaa ahayd xus iyo maamuus loo sameeyay mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee siyaasadeed ee taariikhda Soomaaliya casriga ah, iyo amaanno loo jeediyay hoggaamiyayaashii qaran ee aas-aasay nidaamka federaalka iyo dhismaha hayโ€™adaha dastuuriga ah ee dalka.

Ugu dambayntii, xafladdu waxay ku soo idlaatay bandhig farshaxan iyo filim dukumentari ah oo soo bandhigay safar 25 sano ah oo isugu jira caqabado iyo guulo, iyadoo lagu jiro jawi farxadeed oo muujinayay xiriirka walaaltinimo ee qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo goโ€™aankooda wadajirka ah ee ku aaddan xoojinta nabadda, midnimada iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo laga guddoomayย nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

Tokyo(SONNA):-Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa maanta magaalada Tokyo ugu gudbisay nuqul ka mid…

GudahaWararka
August 18, 2025

๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฆ๐˜‚๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐˜…๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ถ๐—ฏ๐—นo๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—น๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น

โ€ŽKampala-(SONNA)-Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamse Aadan Xaadoow iyo dhiggiisa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka…

GudahaWararka
October 16, 2025

“Soomaaliya waxay xal u noqon kartaa cuno yarida” madaxweyne Xasan Sheekhย 

Addis Ababa (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay Shirka Qiimaynta Horumarka Nidaamyada Cuntada ee…

GudahaWararka
July 28, 2025

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo…

Gudaha
December 12, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023