Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Jabuuti iyo Kenya oo sheegay in ay Soomaaliya ka taageerayaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Jabuuti iyo Kenya oo sheegay in ay Soomaaliya ka taageerayaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta
GudahaWararka

Jabuuti iyo Kenya oo sheegay in ay Soomaaliya ka taageerayaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 31, 2022
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Dalalka Jabuuti iyo Kenya ayaa mar kale sheegay in ay ka taageerayaan dowladda Federaalka Soomaaliya dagaalka ay kula jirto kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane, Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay ka hadlay munaasabadda xarig jarka looga xarunta cusub ee Akadeemiye-Goboleedka Af- Soomaaliga ee Geeska Afrika ayaa sheegay in dowladdiisa iyo shacabkeedu ay garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay inay taageerayaan qorshaha Madaxweyne Xasan uu ku doonayo in Khawaarijta laga guuleysto.

Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in natiijooyinka wanaagsan ee rajo-gelinta leh ee ka soo baxay duullaanka socda ay siinayaan Gobolka Geeska Afrika rejada dib u soo cusboonaatay ee ah in uu ka xoroobo argagixisanimada isla markaana lasoo afjaro daadinta dhiiga shacabka aan waxba galabsan.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Mudane, Aadan Barre Ducaale oo isna waxa uu sheegay in Kenya ay si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, waxaana uu xusay inay ka qeyb qaadanayaan ciribtirka Khawaarijta, maadaama tallaabadaasi aysan faa’iido u laheyn Soomaaliya oo kaliya, balse ay tahay mid faa’iido u leh guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Mudane Aadan Barre Ducaale ayaa intaasi ku daray, in Madaxweyne William Ruto uu taageerro buuxda la garab taagan yahay walaalkii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira duullaanka Milliteri ee ka dhanka ah Argagaxisada, waxa uuna u gudbiyay rajjo wanaagsan oo ku aadan in labada dal iyo guud ahaan Gobolka ay u istaagaan horumarka iyo horumarinta nolosha muwaadiniinta.

Jabuuti iyo Kenya ayaa labaduba Soomaaliya ka joogaan ciidammo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika, kuwaas oo qeyb weyn ka qaata caawinta ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Khawaarijta Al Shabaab.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Safiirka JFS ee Ethiopia oo Safaaradda Kusoo dhoweeyey dhigiisa Czech Republic.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa safaaradda Addis Ababa kusoo dhoweeyey Safiirka Dawladda…

Gudaha
July 28, 2023

Maxkamadda Racfaanka oo soo saartay xukunno kala duwan oo ka dhan ah mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda

Muqdisho, (SONNA):- Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno kala duwan ka soo saartay laba Dacwadood oo ka dhan ah…

GudahaWararka
March 14, 2024

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Koofur Galbeed oo maantay tagay Buurhakaba+Sawirro

Muqdisho (SONNA)-Wasiir ku xigeenka waxbarashada Koofur Galbeed Eng. Cabdifitaax Isxaaq Maxamed iyo xildhibaan Bishaaro Cali Nuur ayaa maanta tagay degmada…

GudahaWararka
May 27, 2021

Guddoomiyaha Baarlamaanka FS oo la kulmay Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Samatabixinta ee K/Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay…

Gudaha
January 20, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023