Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Jab kale ayaa ku dhacay Kooxda Khawaarijta ah (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Jab kale ayaa ku dhacay Kooxda Khawaarijta ah (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Jab kale ayaa ku dhacay Kooxda Khawaarijta ah (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 20, 2023
6 Min Read
Share

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa howgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Soomaaliya ee AFRICOM ayay waxay howlgal qorsheysan oo cirka iyo dhulka ah dhawaan ka fuliyeen degaanada Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/dhexe oo ay isku uruursanayeen Khawaarijta, waxaa marka hore dagaalku ku bilowday duqeyn ay fuliyeen Diyaaradaha Drones ah ee AFRICOM, kadib waxaa xigay Ciidanka Danab oo cirka kaga soo degay, gumaad baโ€™anna u geystay Maleeshiyaadkii isku urursanayay Deegaankaasi, waxaana ugu dambeyntii dambastiray Ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Gor-Gor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Howlgalkaasi ayaa waxaa lagu dilay ku dhowaad 100 tirsan Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyadoo isla markaana howlgalkaa lagu bururburiyay goobtii ay dhagarta ku maleegayeen cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Khawarijta Arxanka daran ee Al-shabaab, waxaa la soo warinayaa in .howgalkaasi ay gacan fiican ka geystay Shacabka deegaanka oo wada shaqeyn wanaagsan la yeeshay ciidanka Qaranka ee hawlgalkaasi ku jiray.

Howlgalkaasi ayaa ahaa mid aad loo sii qorsheeyay, ayna ka qeybqaateen Xoogag isbiirsaday ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ย u mahad celinaysaa hawlgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Qaranka oo gacan ka siisay hawlgalkan lagu burburiyay Qowleysatada Khawaarijta ah ee isku uruursanayay dhibaateynta Dadka Soomaaliyeed, waxayna dhawaan saldhig cusub ka sameysteen Degmada Galcad ee Gobolka Galguduud, kaasi oo ujeedkiisu yahay in si dhaqsi leh loo soo afjaro wejiga 1-aad ee ee dagaalka lagu sifeynayo deegaannada ay wali kaga harsan yihiin Gobolka, kadibna loo jeesto wejiga 2-aad ee dagaalka, kaasi oo ah koonfurta dalka Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wali wada howlgal dhinaca dhulka ah, iyaga oo ku raad jooga firxadka Khawaarijta Naf la caariga ah ee ka cararay dhimbilaha gumaca Rasaaseed ee geesiyaasha Qaranka, waxaana la filaa in deegaannada Ceel-buur iyo Galhareeri ay dhawaan gaaraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, saaxiibada caalamka iyo dadka deegaannada, waxaana lagu soo khatimi doonaa joogitaankii muddo sanooyin ah ee ay khawaarijtu ku fasahaadineyeen, islamaarkaana ay ku duleysanyeen Shacabka ku dhaqan degmooyinkaasi.

Hawlgalkaani waxa uu qeyb ka yahay hawlgallo joogto ah oo ay ugu dambeeyeen kuwii ka dhacay Budbud iyo Weel-Maarow halkaas oo lagu dilay in ka badan 70 ka tirsan Khawaarijta, Dawladdana oo kaashaneysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka goโ€™an in ay ciribtirto kooxaha Khawaarijta ah,oo ay aad u dhibsadeen Ummadda ku nool deegaanada.

Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga General, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faah-faahiyay howlgalkaasi iyo khasaaraha Maleeshiyaadkii naf la caariga ahaa ee ay dhowaan ciidanka xoogga dalku ka dileen khawaarijta,ayaa sheegay in todobaad gudihiis howlgallo gobollo kala duwan ka dhacay lagu dilayin ka badan 200 oo Khawaarij ah, tiro intaas ka bandanna loogu dhaawacay, ilsmarkaana lagu qabsaday hub iyo sanaad ciidan oo fara badan.

Afhayeenka oo ka hadlay howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay inta u dhexeysa gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe ayaa sheegay in loogu dilay khawaarijta in ka badan 30 Khawaarij ah oo ay ku jiraan laba horjooge, isagoo intaasi raaciyay in howlgallo ay bishan gudaheeda ka sameeyeen gobollada Jubbooyinka, Galgaduud iyo Shabeellada dhexe ay khawaarijta ugu geysteen jab xooggan kana khaarijiyeen horjoogayaal sar sare.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga General, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa intaasi ku daray in uu dhowaan billaaban doono wejiga labaad ee howlgalka loogu sifeynayo Dalka kooxd arxanka daran ee khawaarijta, wuxuuna xusay in haddii ay Shacabka Soomaaliyeed garab ku siiyaan dagaalkaasi ay si dhaqsi leh uu ย Ciidankooda, aan loo baahnaan doonin weji saddexaad.

Dhinaca Koonfur Galbeed haddaan eegno waxaa beryahaan ka taagnaa khalalaase ka dhashay goโ€™doomi ay ku sameeyeen Khwaarjtu magaalada Baydhabo, waxaana kala goโ€™ay isu socodkii Dadka iyo Maciishadda, waxaana la sheegay in uu sare u kacay sicirka la kala siisto Rashinka quutul-daruugiga, iyadoo aan wada ogsoonahay inay al-shabaab hore goโ€™doomin u saarnaayeen muddo 12 sano ah Magaalooyinka ka tirsan Maamulkaasi, ayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay howlgal Qorshaysan ka fuliyay xarun ay ku sugnaayeen Khawaarijta oo ku taalla deegaanka Ceel-bashiir oo ku yaalla waddada xiriirisa deegaanka Jameeco iyo degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay.

Howlgalkan oo dhacay Maqribnimadii ee xalay ayaa waxaa lagu dilay toban ka tirsan Maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ee ku sugnaa goobtaasi, waxaana la soo warinayaa in goobta howlgalku ka dhacay ay aheyd Isbaaro ay Khawaarijtu ku qaadanaysay lacgo baad ah, iyaga oo maalmihii dambe u isticmaalayay in ay ku cuna-qabateeyaan Shacabka ku nool gobalka Baay, wuxuuna howgalku uu ku soo dhamaaday sidii ay u qorsheeyeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxay waddaa barnaamijyo badan oo dhinaca Ammaanka Dalka ah, waxaana ka mid ah in ay dagaal adag kula jirto Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, in ay dadaal ugu jirto dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo loo diyaarinay inay si buuxda u hantaan Sugidda Ammaanka Dalka oo dhan iyo in ay dhimis ku waddo Ciidanka ka socda Midowga afrika ee ATMIS, kuwaasoo lagu wado inay gabi ahaamba dalka ka baxaan dhammaadka bisha Desember ee sanadka 2024-ka, qorshayaashii ayaa ah kuwa wada bar-bar socda oo ay dooneyso inay wada fulaan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA SHEEKH MUUSE CADDE

Muqdisho, SONNA ; Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida, Alle ha u naxariistee, Sheekh…

GudahaWararka
December 18, 2024

Golaha Shacabka oo ka dooday Sharciga burcad Badeedda iyo sharciyo kale

Muqdisho-(SONNA)-Mudanayaasha Golaha Shacabka BFS Baarlamaanka ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa sideedaad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh…

GudahaWararka
October 25, 2025

Wasiir Biixi: โ€œIn dhaqaalaha dalka uu kordho waxaa Laf-dhabar u ah amnigaโ€

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS, mudane, Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in korodhka uu sameeyay dhaqaalaheennu uu sabab u tahay…

GudahaWararka
August 6, 2024

Hindisaha Kaabaha Dhaqaale : Wadada Nabadda ee Wakhtiga Cusub ย 

Muqdisho(SONNA):-Is ogolaanshaha iyo wada-noolashada waxa uu kumanaan-sano u ahaa qaranka Shiinaha yool. 2013-kii Madaxweyne Xi Jinping ayaa soo bandhigay hindisaha(Belt…

Maqaallada
November 12, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023