Qaahira(SONNA):-Xarunta barashada luqadaha Afrika ee hoos tagta Jaamacadda Qaahira ayaa sheegtay inay billaabeyso koorso lagu baranaayo luqadaha ugu waaweyn uguna faafintaanka badan Africa,Luqadaha lagu baran doono koorsadaaan ayaa kala ah Soomaaliga, Sawaaxiliga, Hausa, Amxaari iyo Fulani.
Jaamacadda ayaa intaas ku dartay in ujeedada laga leeyahay koorsadaan ay tahay in lo xoojiyo xiriirka iyo is fahanka Masar kala dhaxeeya dalalka Afrika ee ku hadla luqadahaan Guddoomiyaha Jaamacadda Qaahira Dr Maxamed Cismaan , ayaa sheegay in Jaamacaddu ku bixiso dadadaal badan arrimaha qaaradda Afrika si loo xoojiyo isku tiirsanaanta iyo isku soo dhawaanshaha Masar iyo dalalka Afrika.