Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Itoobiya oo xirtay wariye u dhashay dalka Faransiiska
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Itoobiya oo xirtay wariye u dhashay dalka Faransiiska
GudahaWararka

Itoobiya oo xirtay wariye u dhashay dalka Faransiiska

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 28, 2024
3 Min Read
Share

Addis Ababa-(SONNA)-Dawladda Federaalka dalka Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay weriye u dhashay dalka Faransiiska oo booqasho ku tagay dalkaas.

Antoine Galindo  oo ah suxufi  u shaqeeya shabakadda wararka ee Africa Intelligence oo loo soo gaabiyo (AI) ee fadhigeedu yahay magaalada Paris ee dalka France ayaa waxaa xiray ciidamo dhar cad ah maalinimadii khamiista isaga oo ku sugan Hotelka Ethiopian Skylight, sida uu sheegay gudiga difaaca saxafiyiinta ee CPJ.

Xiligaasi, wariyaha faransiiska Antoine Galindo waxa uu waraysi la yeeshay Bate Urgessa  oo ah afhayeenka jabhadda Oromada ee loosoo gaabiyo (OLF), afhayeenka ayaa sidoo kale la xiray.

Suxufigaan ayaa lagu eedeeyay in uu qeyb ka yahay shirqool lagu doonayay in qalalaase looga abuuro dalka Itoobiya, iyadoo warbaahinta African intelligence oo uu u shaqeeynayay ay tilmaamtay in xariga wariyahaan uu yahay mid cudur la’aan ah, waxa ayna ku baaqday in si deg deg ah loo sii daayo.

“Eedaymaha been abuurka kuma saleysna wax cadeyn ah oo la taaban karo oo marmarsiinyo u noqon kara xorriyadda laga qaaday,” ayay tiri.

Wariyaha Faransiiska u dhashay ayaa dalka Itoobiya u joogay warbixin ku saabsan shir-madaxeedka ururka Midowga Afrika iyo warar kale, sida ay sheegtay Africa Intelligence oo ah warbaahintii uu ushaqeeynayay.

Waxa ay sheegtay sidoo kale in uu haysto dal-ku-gal u ogolaanaya in uu dalka ka shaqeeyo, dawladda Itoobiyana ay ka warhayaan hawsha loo diray.

Arintaan ayaa waxa ay kusoo aadeysaa iyadoo dhawaan maamulka Itoobiya uu xiray Muxudiin Maxamed oo ah wariye ka howlgala dowlad deegaanka Soomaalida.

Ururka saxafiyiinta gobolka Soomaalida ee loo soo gaabiyo (SRJA) ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo wariye Muhudiin Maxamed oo ay ciidamada ammaanka gobolku ay xireen  13-kii February, 2024-ka.

Sida uu sheegay Cabdirisaaq Xasan oo ah gudoomiyaha ururka saxafiyiinta gobolka Soomaalida, Muxudiin waxa loo xiray sababo la xiriira qoraalo uu ku soo qoray baraha bulshada oo uu kaga hadlay hakad ku yimid isku socodkii gaadiidka ee magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida, kadib booqashadii uu dhawaan ku tagay raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Gudoomiyaha ururka saxafiyiinta ayaa shaaca ka qaaday in Muxudiin uu ku xirnaa xabsi aan la shaacin muddo 7 maalmood ah, isagoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin. Kadib waxaa loo gudbiyay saldhigga booliska ee Aagga Faafan, wuxuuna ka soo muuqday maxkamadda 20kii bishaan Febraayo, isagoo wajahaya eedeymo ah inuu faafiyay dacaayad been abuur ah. Maxkamada gobalka ayaa 10-maalmood u ogolaatay boliiska si ay baaritaanada ugu sameeyaan.

Iyadoo ay sii kordhayaan qalalaasaha rabshadaha wata iyo dagaalada ka soconaya gudaha itoobiyaa ayaa maamulka itoobiya waxa uu bilaabay beegsiga saxafiyiinta madaxa banana iyo kuwa caalamiga ah si aan loo ogaan xaiiqada jirta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka ayaa sheegay in dib-u-eegista iyo dhameystirka Cutubka 9-aad…

GudahaWararka
January 17, 2025

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo dhagax dhigay Iskuul la balaarinayo “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedyada Puntland Mudane Ahmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dhaggax dhigay qayb cusub oo lagu kordhinayo Iskuulka…

GudahaWararka
November 18, 2021

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AFRICOM oo qaaday Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Ciidanka  kumaandoosta ee ka  howlgasha deegaanada maamulka Jubbaland, oo kaashanaya ciidamadda  AFRICOM ayaa saacadihII u dambeeyay duqeeyay Fadhiisimo ay maleeshiyada argagixsada…

Wararka
January 7, 2020

Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda oo martigeliyay dood cilmiyeed ku saabsan kaalinta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka 

Muqdisho(SONNA)– Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa dood cilmiyeed cinwaankeedu yahay “muhiimadda ay leedahay in…

GudahaWararka
March 17, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023