SONNA-Horumarka tiknoolajiyadda Casriga ah ayaa noqday mid cid waliba ay heli karto,in kasta dhibaato ay leeyihiin,haddana waa seef laba af leh oo dhan walbaa loo addeegsan karo.
Dhibaatooyinka marka laga soo tago faaโiido malaga helaa isticmaalka baraha bulshada oo ay aad u isticmaalaan dhallin-yarada 90% dunida oo dhan.?
Sida ay Aaminsan yihiin cilmi baarayaasha tiknoolajiyadda casriga ayaa sheegay in ay jiraan faaโiidooyin laga helo baraha bulshada ee Aduunyada casiriga ah waxaana ka mid ah in dadka qaar ayaa qaab Online ah wax uga barta baraha bulshada,in lagu daabaco cilmi baarsiyada oo laga hili karo,sidoo kale in aragtiyo ay isku dhafsadaan dadyoow kala afaf duwaan ama kala luuqaddo duwaan iyo in qaab dhijitaal ah loogu sameyo ganacsi oo ay kagag addeegtaan bulshada ku taxan isticmaalka dhanka internet-ka iyo in lagu soo bandhigo hal abbuuridda cusub ee ay dadku soo kordhiyaan..
Marka laga soo tagoย dhanka faaโiidada waxaa jiraa in saameyn kale oo Aadanaha ah ay ku yeelaan karto ay jiraan isticmaalka xad-dhaafka ah ee baraha bulshada ama u isticmaalka siyaabo khaldan oo ay ka dhalan karaan dhibaatooyin kuwa nafsi ah, kuwo bulsheed iyo kuwa caafimaadba.
Dadka addeegsada baraha bulshada badankood waxa ay kala kulmaan caqabaddo saameyan ku yeeshah waxaana ka mid ah hurdo yaraan iyo hurda laโaan,Saamayn maskaxeed, Feejignaan laโaan iyo ka goโdoomidda bulshada inteeda kale.
Baraha bulashada ayaa si deg-dega ah saameyn uguย yeelaan kara hab dhaqankooda iyo niyadooda dadka caadaystaha isticmaalkooda maadaamaย qoraalladaย xun xun iyo muqaallo la soo dhigo mararka qaar ay door ka qaadtaan in ay sababaan niyad xumada ay ka qaadan dadka isticmaalaha waxaana ku abbuurma dareenkooda,walaaca iyo walwalka ayka dhaxlaan.
Marka aan ka Eegno dhanka dhaqanka ayaa ah hab ย bulsho meel dagani unool yihiin oo ay isku afgartaan in ay ku ilaaliyaan habka labiskooda ,guurkooda,cuntooyinka ay dhaqanka u lee yihiin,is ixtiraamka iyo akhlaaqiyaadkooda dadnimo oo ayku dhowraa IWM.
Isticmaalo Baraha Bulshada gar ahaan qaab ka ay u isticmaalaan dhallinyarda intoodaย badani waxa u ka soo horjeedaa dhaqanka suuban iyo diinteena islaamka,marka loo Eego casirga cusub ee aannu joogno.