Ciidamada Israel ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Gaza, iyagoo ugu yaraan todobo falastiiniyiin ah ku dilay Rafah iyo Bureij,kadib markii saacadihii u dambeeyay ay weeraro xagga cirka ah ku qaadeen deegaanadaasi oo dhaca Gaza.
Duqeymankaan cusub ayaa daba socday saddex maalmood oo weerarro xooggan ay Israel ku dileen ilaa 200 oo Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa marinka Gaza.
Weerarada ka imaanaya ciidamada Israel ayaa sii socda,xilli siddeed carruur ah ay u dhinteen qabowga jiilaalka ,iyadoo Israel ay sii waddo xaddidaadda gelitaanka sahayda bani’aadanimo ee hey’adaha samofalka ay ugu talagaleen in la gaarsiiyo dadka ku barakacay dagaalada ka jira Gaza.
Dhanka kale,waxaa socda wadahadallo u dhexeeya Xamaas iyo Israel ,inkastoo labada dhinac ay ku muransan yihiin faahfaahinta heshiis xabbad-joojinta iyo sida ay u daneynayaan soo afjaridda dagaalka.
Xamaas ayaa dooneysa in si buuxda loo gaaro heshiis xabbad-joojin ah ,isla markaana la is-dhaafsado maxaabiista ,halka Israel ay daneyneyso in la kala waeggsado maxaabiista.
Tirada Falastiiniyiinta ee ku dhintay dagaalka Gaza ayaa lagu sheegay ugu yaraan 45,805,halka dhaawacana lagu qiyaasay 109,064.