Waxaa jira cabsi iyo jahawareer soo wajahay dadka reer Gaza, ka dib markii ciidamada Israel ay u sheegeen in dad ka badan 1 milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku go’doonsan waqooyiga ay u guuraan koonfurta magaaladaasi.
Kooxda Xamaas ayaa digniinta Israa’iil ku tilmaantay dacaayad been abuur ah,kadib kolkii muddo 24 saacadood ah loo qabtay in dadka Falastiin ay uga baxaan Woqooyiga Gaza.
Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay amarka Israaโiil ,waxayna tilmaameen in aysan suurtagal ahayn,iyagoo dhanka kale caddeeyay in tallaabadaasi ay keen I karto ย cawaaqib xun.
Ugu yaraan 1,537 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarada Israa’iil ee Gaza,waxaana sidoo kale la dhaawacay 6,612 ,halka Tirada dadka lagu dilay Israaโiil ayaa gaartay 1,300 oo qof.
Dhanka kale, Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa ku baaqay in la joojiyo xannibaadda iyo duqeymaha Israa’iil ay ku heyso Gaza,isla markaana si buuxda loo ogolaado nidaamka caafimaadka ee wax loogu qabanaayo dadka.
WHO ayaa sheegtay inay diiwaan gelisay 34 weerar oo lagu qaaday adeegyada daryeelka caafimaadka ee Gaza tan iyo Sabtidii.
11 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee WHO ayaa la dilay, halka 16 kale la dhaawacay.
Shan kale oo ka tirsan shaqaalaha ICRC ayaa la dilay ,iyadoo 20 gaari oo ambalaas ah lala beegsaday duqeymo.