Muqdisho (SONNA)-Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, Maamulka Gobalka Mudug iyo kan Dagmada Gaalkacyo ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay qeybo cusub oo isugu jiray dib u hagaajin iyo balaarin lagu sameeynayo isbitaalka weyn ee koofurta magaalada, waxaana mashruuca hirgalintiisa iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo hay’adda samafalka ee NRC, iyadoo ay maal galineyso dowladda Jarmalka
Agaasimaha Guud ee Isbitaalka weyn Gaalkacyo ee Galmudug Maxamred Cabdi Axmed ayaa ugu horeyn ka mahadceliyay balaatrinta iyo dib u dayactirka lagu smaeynayo isbitaalka, isagoo xusay in arrintani baahi weyn loo qabo.
Sayid Cali Cabdi Siyaad oo ka mid ah saraakiishii ka socatay hay’adda NRC oo ka warbixinayay mashruucaan ayaa sheegay in ujeedka dhismaha ay tahay in qeybo horleh lagu soo kordhiyo isbitaalka
Munaasabada dhagax dhiga qeybahaan cusub oo ay ka hadleen Xildhibaanno iyo Wasiiro ka tirsan Galmudug ayaa waxaa gunaanadkii ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mahad Caabi Ciise oo shegay in ka Wasaarad ahaan ay gacan ka geysan doonaan daboolidda baahiyaha caafimaad ee ka jira guud ahaan Galmudug.