Muqdisho(SONNA0:-Ugu yaraan 28 ruux ayaa ku dhintay,230 kalena waa laga soo badbaadiyay kadib markii markabka rakaab ย siday u ku gubtay dalka Filibiin,dabka ayaa ka bilowday qolalka qaboojiyaha ee markabka habeenimadii Arbacada ee la soo dhafay iyadoo aysan xaqiijin saraakiisha Amniga Xeebaha Filibiin waxyaabah sababay in dabkaan u ka kaco Markabka.
Dadka ku dhintay dabka ayaa waxa ka mid ah saddex carrur ah oo u ku jiray ilmo jiray Lix bilood ย wallow aan la sheegin tirada sexda ah ee rakaabka la socday markabka,Ilaalada xeebaha Filibiin ayaa sheegay in hawlgalka baadigoobka iyo samatabbixinta ay wadaan.
Duqa magaalada Arsina Kahing-Nanoh ayaa warbaahinta u sheegay ย in mid ka mid ah rakaabkii la badbaadiyay uu sheegay in qaraxa la maqlay ka hor inta uusan dabka kicin,waxay ย intaas ku dartay in qaraxyo kale la maqlay markii markabka uu dhulka ku dhacay,Ilaalada xeebaha ayaa sheegay in ay gacan ka geysan doonaan baaritaanka iyo qiimeynta nabad galyada Markabka sidoo kalan ay hubindoonaan in u shidaal ku daadanayo gudaha Markabka dabku ka kacay.
Dalka Filibiin ayaa wali laga isticmala Maraakiibta gaboowga ah ee aan dib loo casriyeynย oo ay rakaabka raacaya ay aad u buux dhafiyaan marka ay soo raacayaan oo ay u kala gooshayaan goobah dalxiiska ee xeebah Jasiiradaha dalkaasi.