Muqdisho (SONNA): Hawlgal qorshaysan oo ciidanka sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen beerta shariifka ee deegaanka Nuungare oo 8-km kaga beegan dhinaca waqooyi ee deegaanka Bariire ee gobolka shabeellaha hoose ayaa lagu dilay in ka badan 40-ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad, kuwaas isugu jira Soomaali iyo ajnabi, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.
Habeenimadii talaadada oo taariikhdu ahayd 2-da bisha May ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee hawlgalkan lagu beegsaday waxa ay isku abaabulayeen dhulbeereedkaan.
Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaa iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ka hortagay dhagarta ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed.
Ku dhowaad 10-Khawaarij ajaanib ah ayaa ku jira xubnaha lagu laayey hawlgalkan, waxaana sidoo kale jira xubno kale oo lagu raad-joogo kuwaas oo isku dayaya inay baxsadaan.
Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka goโan in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabaad ka dhigtaan, iyadoo haatana ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Khawaarijta.