Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading:  In ka badan 20 Degmo ayay El-nino saameysay (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha >  In ka badan 20 Degmo ayay El-nino saameysay (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

 In ka badan 20 Degmo ayay El-nino saameysay (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 12, 2023
9 Min Read
Share

Daadadka ka dhashay Roob xooggan iyo fatahaadda Webiyada dalka mara ayaa saameeyay deegaanno badan oo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah Degmooyinka uu aadka u saameeyay Daadadkaasi Degmooyinka Luuq, Dooloow, Ceel-waaq, Baardheere iyo kuwo kale oo ka tirsan Gobolka Gedo,  waxaan laga cabsi qabaa in ay gaaraan degmooyin iyo tuulooyin kale, waxaa kaloo jira fataha Webiga Shabeelle ayaa isna khasaare badan gaarsiiyay in uu maro, inkastoo ay kala khasaare badan yihiin, waxaana ugu sii daran Magaalada Beledweyne iyo Mahadaay oo ka kala tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Aan ku hormarnee Gobolka Gedo, Gudiga fatahaadaha gobolka Gedo oo war cusub ka soo saaray xaaladaha ay ku sugan yihiin degmooyinkii ay ku dhufteen daadadka iyo fatahaadaha. Wararka laga helaayo Gobolka Gedo ayaa sheega in Hal qof uu ku dhintay maalinimadii shalay, kadib markuu qaaday biyo ka soo rogmaday togga weyn  ee Mara deegaanka Qooney ee ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana lagu soo waramayaa in ay halkaasi ka jirto dhibaato uu sababay Roobabka wata daadadka.

Odoyaasha iyo Waxgaradka Degmada Baardheere oo iyagana qeylo dhaan ka soo saaray Xaalada Buundada Baardheere oo go.day iyo Baaq Codsi oo ku aadan u gurmashada dadkii ku barakacay Fatahaada Webiga Jubba oo fatahaad aad u ballaaran geystay iyo Daadadka ka dhashay Roobab ka da’ay Deegaannada Degmadaasi, waxayna codsadeen in gargaar deg deg ah lala soo gaaro, iyadoo ay caddeeyeen in dhibaatada ugu weyn ay tahay khasaaraha ka dhashay Dumidda Buundada.

Roob 12-kii saacadood ee la soo dhaafay ka da,ayay Gobolka Mudug ayaa sameyn xooggan ku yeeshay bulshada ku nool magaalada Ceeldibir oo ka tirsan Degmada Hobyo ee Bariga Gobolka mudug. Maamulka Ceel-dibir ayaa sheegay inay dumeen ku dhawaad 20 Guryo ay deganaayeen dadka Deegaankaasi, waxaana magaalada ku rogmaday Biyo Fara badan,  Maamulka Ceel-dibir ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay wadaan dadaalo xooggan oo loogu gurmanayo dadkii guriyaha ku waayay Roobka.

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka Gedo Degmooyinkiisa kala duwan ee Dowladd goboleedka Jubaland,  kuwaasi oo ka dhashay Roobab mahiigaan ah oo watay daadad iyo fatahaad uu sameeyey Webbiga Jubba ee mara Degmooyinka Gobolkaasi ayaa dhawaan laba Doonyood oo ah nuuca dheereeya u dirtay degmada Baardheere .

Doonyahaan ayaa lagu wadaa in ay ka qaybqataan badbaadinta boqolaal shacab ah oo xafadaha degmadaas ku go’doonsan kuwaas oo ay go’domiyeen Fatahaada Wabbiga, waxaana Muqdisho looga daabulay diyaarado elokobtar ah. Sidoo kale Hey’adda ayaa diyaarisay Gurmadyo kala duwan oo gargaar ah, kuwaasi oo iskugu jira Raashin, Dhar iyo Daawo, waxaana la rarayaa dhawaan, iyadoo la gaarsinayo degmoyinka iyo deegannada fatahaadaha iyo daadadka ay ku rogmadeen, waxaana xusid mudan in maalmo ka hor Hey’adda SoDMA Doon nuuca dheereya ah gaarsiisay degmada luuq.

Magaalada Beledweyne iyadana waxaa laga soo warenayaa in uu Daadka iyo fataha Webiga oo is wata ay wada saameeyeen dhammaan Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaaladaasi, iyadoo inta badan Dadku ku noolaa Xaafadahaasi ay isaga baxeen, iyagoo u baxay meelaha taagga ah iyo Miyiga fog, waxayna u baahan yihiin in lala gaaro gargaarka ay u baahan yihiin.

“Aan dareenkeenna ku leexino Walaalaha ay Daadku dhibta gaarsiiyeen kuna garab istaagno hadba wixii aan awoodno. Allaah ha u dhib yareeyo Walaalaheenna xaaladda adag ku sugan, ha yaraysan inta Aad karto”, sidaasi waxaa yiri:- Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala. “Inkasta oo Dad badan oo Soomaaliyeed ay waxyeeleeyeen Daadku, haddana waxaa ugu xanuun badan kuwa ay Khawaarijtu heysato oo aan xogba laga haynin, gurmadna aanay u ogolayn, Rabbi ha gargaaro dhibanayaasha!”, Mudane Cadaala oo dareenkiisa ka hadlaayay ayaa sii raaciyay.

Haddaba si loo dhaqaajiyo arrimaha bini’aadannimo khasaarooyinka ka dhashay Daadadka iyo fataha Webiyada ayuu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac uu guddoomiyay kulankii u horreeyey ee Guddiga Qaran ee Gurmadka Roobabka iyo daadadka El-nino, isagoo ka hadlay kulanka ayaa faray dhammaan Wasiirrada iyo madaxda Hay’adda SoDMA inay mideeyaan dedaalkooda, isla markaana gurmad degdeg sidii loo gaarsiin lahaa dadka tabaaleysan ay ka shaqeeyaan maalin iyo habeen.

Xukuumadda DanQaran oo kaashanaysa Dawlad Goboleedyada iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa dadaal wayn ugu jirta sidii samafal degdeg ah loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta dhibku gaaray sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlaayay daadadka ku soo rogmaday Wadddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay heleen labo fariin oo muhiim ah, kuwaasi oo ka yimid shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir, fariimahaas oo kale ah in wax laga qabto daadadka ka dhashay Roobabka ka da’ay magaalada ee xiray Waddooyinka qaar iyo in la qaado dhagaxyada ku xiran Waddooyinka caasimada, kuwaasi oo muhiim u ah isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha, maaddaama amniga magaalada Muqdisho uu soo hagaagay.

Ra’iisal Wasaare Xamsa waxaa kaloo uu ka hadlay fataha Webiyada iyo daadaka wayeelada u geystay qaar ka mid ah Gobolada Dalka ayaa sheegay in daadadka ka dhashay Roobabka mahiigaanka ah ee dalka ka da’ay ay dhibaato u geysteen dad ka badan Nus milyan Ruux, kuwaasi oo ka barakacay guryihii ay ku noolaayeen. “Waxaa dhibaato weyn oo uu Roobku geystay ka jirta illaa  labaatan iyo dhowr degmo oo dalka ka mid ah, waxaan cabsi weyn ka qabta in Webiga Shabeelle uu soo buux dhaafyo, islamarkaana uu qaado dadka Reer Beledweyne iyo magaalooyinka kale ee dhaca Webiga jiinkiisa. Waxaan la nool nahay barwaaqo iyo dhibaato aan isku tagi karin” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Xamsa.

“Ciidamada qalabka Sida qeybahooda kala duwan ee ku sugan deegaannada ay saameysay Roobabka waa inay si degdeg ah qeyb uga qaataan gurmadka dadka nugul ee waayeelka iyo caruurta isugu jira”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. “Dhib badan ayuu geystay Roobkii da’ay Waddooyin badanna wey xiran yihiin caafimaad daro ayaa jirta Wadan barwaaqo ah oo dadkiisa saas u eg yihiin halkaan ayaa laga helaa”, ayuu sii raaciyay Mudane Xamsa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan gelisay sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee guryahooda uga barakacay daadadka iyo sidii loo badbaadin lahaa kuwa ku xaniban biyaha, inkastoo uu socdo dadaal, basle waxaa loo baahan yahay mid intaa ka ballaaran, waxaana loo baahan yahay kaalmo caalami ah maadaama ay tahay masiibo qaran.

Shirka loogu hadlayay xal u helida musiibooyinka ka dhashay Roobabkii daadadka watay ee ka da’aya Magaalada Muqdisho, maareynta goobaha ay biyo dhigeen, u gar-gaarida shacabka ay waxyeelada ka soo gaareen iyo soo celinta Bilicda Caasimadda, iyadoona loo mahadceliyay guddiga heer Gobol ee la fal-gelida xaaladaha El-Nino oo iyagu shaqooyin muhiim ah qabtay, una taagan samatabixinta Bulshada ayaa lagu qabtay Xaruunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoonka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qeybaha kala gedisan ee bulshada ugu baaqay in loo midoobo xaaladaha ka dhashay iyo kuwa ka dhalan kara Allaha Ummadda ka najeeyee saadaasha laga bixinaayo El-Nino ee ah in weli qeybo ka mid ah Gobolada dalka ee ku soo fool leeyihiin Roobab wata dabeylo iyo daadad laga cabsi qabo in ay waxyeelo geystaan, waxaana loogu digay dadka dagan goobaha biyo qabadyada ah iyo kuwa ku hoos nool guryaha bur-bursan hoostooda in ay ka feejignaadaan khataraha la saadaaliyay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxda Safaaradaha Soomaaliya iyo DRC-Congo oo Kenya kula kulmay ganacsato Soomaali ah

Madaxda Safaaradaha Soomaaliya iyo DRC-Congo ee fadhigoodu yahay Kenya ayaa la kulmay ganacsato Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalkaasi iyo kuwo…

Gudaha
October 25, 2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Ciraaq

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo…

GudahaWararka
February 26, 2023

Guddoomiye Jawaahir Baarqab”hadaan nahey haweenka soomaaliyeed waxaan sameyney isxilqaan aan ku garab istaageyno Ciidamada Qaranka”

Muqdisho(SONNA):-Howlgalka ka dhanka ah khawaarijta oo ka socda degaanno kamid ah Galmudug iyo Hirshabeelle,waxan geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa degaan…

GudahaWararka
August 27, 2023

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daahfuray Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029, isagoo tilmaamey in…

GudahaWararka
October 18, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023