Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay cutub loo qaadayo tababar aqoon kororsi ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI
    March 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: IMF oo sheegtay in Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > IMF oo sheegtay in Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta
GudahaWararka

IMF oo sheegtay in Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta

By Dahir Aadan Cali
Last updated: March 20, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixinta qiimaynta dib-u-eegista 5aad ee Barnaamijka ECF ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo deyn Cafinta Soomaaliya.

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixinta ay soo saartay waxa ay ku sheegtay iyada oo ay jiraan caqabado amni, dhaqaale iyo cunno yari, haddana Dowladda Federaalka Soomaaliya horumar wayn ka samaysay sharuudaha barnaamijka deyn Cafinta ee loo soo gaabiyo ECF oo hadda Dowladdu ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad.

IMF ayaa warbixinteeda qiimeynta ku sheegtay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay yareeyso isticmaalka Kharashaadka laga maarmi karo, iyada oo xoogga saaraysa arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horreyso xoojinta sare u qaadidda dakhliga gudaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay in ay ka go’an tahay sii wadidda arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka Maamulka Canshuuraha iyo iibka Qaranka oo muhiim u ah sare u qaadida dakhliga dalka.

Sidoo kale, IMF ayaa bogaadisay Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay xeerar muhiim ah horumarka Maaliyadda Soomaaliya iyo Hufnaanta dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta IMF ay ka soo saartay qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee ku saabsan shuruudaha Barnaamijka ECF ee Deyn Cafinta Soomaaliya.

“Waxa aan soo dhaweynayaa Warbixinta ay soo saartay Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, taas oo muujinaysa in Dowladda Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka gaartay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya, warbixintaan ayaa soo baxday kaddib shirar ka -fool- ka -fool ah iyo kuwo foggaan arag ah oo aan yeelanay Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka,”.

Dowladda Soomaaliya Waxaa ka go’an ka miro-dhalinta hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalkeenna tan iyo inta laga gaarayo barta Kama dambeysta ah ee Deyn-Cafinta oo aan dhawaan rajo wanaagsan ka qabno in aan gaarno”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cilmi M. Nuur.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan filaysa in ay gaarto barta loogu magac daray “kama dambeysta” oo ah halka lagu gaari doono deyn cafis dhammaystiran

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay cutub loo qaadayo tababar aqoon kororsi ah

Muqdisho.SONNA...Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo la hadlay cutub kamid ah ciidanka…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddiga is-xilqaan oo Maanta lagu wareejiyay Baabuur+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Wasaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya ayaa Maanta Gaari Toyota dul bannaan ah ku wareejisay Guddiga is-xilqaan ee…

Wararka
October 31, 2019

Wasiirka dhalinyarada Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Masar

Qaahira (SONNA): Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha xukuumadda FS mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho…

CiyaarahaGudahaWararka
October 4, 2023

Madaxweyne Xasan Sheikh ”Waa in loo Midoobo Ciribtirka Argagixisada si loo xaqiijiyo Duni Nabdoon.”

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku joogo…

GudahaWararka
February 11, 2023

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Turkiga & Madaxa Tacliinta sare

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Ankara kulanka kula qaatay Wasiirka Waxbarashada ee…

GudahaWararka
December 15, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023