USA-(SONNA)-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka ayaa aad usoo dhoweeyay guusha ay gaadhay xildhibaanad Ilhaan Nuur Cumar oo markii Afaraad ku guuleysatay murashaxnimada kursiga ay ku matasho degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.
Xildhibaanad Ilhan ayaa loollanka adag la gashay musharrax Don Samuels, kaas oo isna u tartamayay xisbiga Dimoqraadiga, waxanay sheegtay in ay tahay guul weyn maaddaama ay garab istaag buuxa u muujiyeen taageerayaasheeda ay u horreeyso jaaliyadda Soomaaliyeed.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa si weyn u soo dhoweysay guusha Taariikhiga ah ee Ilhaan Cumar, iyagoo sheegay in aysan marnaba isku doorsanayn qof Soomaaliyeed iyo qof kale.