Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ibtaada yaysan iil ku gayn
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Ibtaada yaysan iil ku gayn
MaqaalladaWararka

Ibtaada yaysan iil ku gayn

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 1, 2019
6 Min Read
Share

1da December sanad kasta caalamka waxaa laga xusaa ka hortagga iyo la dagaallanka cudurka HIV/AIDS, Sumadinta maalintaan waxaa go’aankeeda soo bandhigay ururka caafimaadka adduunka W.H.O, halka golaha guud ee Qaramada Midoobayna ay taageereen muhiimadda ay maalintaani leedahay , waxaana lagu soo saaray qaraarka tirsigiisu yahay 34/15,maalintaan waxay gaar u tahay wacyigalinta bulshada ee khatarta cudurkan leeyahay iyo sababaha ugu badan eek a qayb qaata faafitaankiisa.

Mar haddii maalintaan muhiimadeedu tahay in bulshada laga wacyigaliyo qatarta cudurkani leeyahay, waxaa laga maarmaan ah in wax ka baranno cudurkaan waxa uu yahay, sia loo kala qaado, iyo sida looga hortago.

1-Waa maxay cudurka HIV/AIDS?

HIV.Waa cudursidaha (Virus) ka dhaliya cudurka wuxuuna yareeyaa habka difaaca jirka(immune system), habka difaaca jirkuna waa ciidamada difaaca jirka, kana hortaga wax walba oo cudur ama dhibaato u keenaya qofka, HIV markii uu in  muddo ah jirka ku jiro waxaa ka dhasha( AIDS), xilligaa markii qofku gaaro waxaa qofka haleela cuduro kala duwan oo ka faa’idaysta dhibaatada soo gaartay habka difaaca jirka ee uu waxyeeleeyay viruska HIV.

waxa uu caan ku yahay cudurkan sanadada hore ee virsuku soo wareero jirka ma muuqdo waxa uu soo muqdaana sanado ka dib, cilmi baaris(researches) la sameeyay waxa lagu ogaaday in cudurkan jiritaankiisu soo bilaabmay dhamaadkii qarniga 19aad ila horaantii qarniga 20aad laguna arkay wadamo ka tirsan Afrikada Saxaraha ka hooseeya,AIDS iyo viruska sababa waxa la xaqiijiyay horaantii sideetanaadkii qarnigii hore ilaa iyo hadana daawo buuxda looma helin.

AIDSka daawooyinka loo qaato waxay yareeyaan oo kaliya faafitaanka  cudurka, dadka qaba cudurkaan ee qaata doowooyinka caawinta ama kaalmaatiga ah way la noolaan karaan cudurka waxayna noolaan karaan muddo dadka kale la mid ah.

 2–Waa maxay Farqiga u dhaxeeya HIV iyo AIDS?:-       

HIV: waa virus weerara unugyada loo yaqaan ( T) cells ee ah habka difaaca jirka.

AIDS: waa cudurka ka dhasha kadib marka in muddo ah virusku ku jiro jirka bukaanka,

 3-waa maxay calaamadaha iyo Astaamaha HIV/AIDS?

A-calaamadaha iyo astaamaha caabuqa wakhtiyada hore: dad badan oo qaba HIV ma yeeshaan astaamo muddo dhowr sano.

WaqtigaCalaamadaha soo if baxaan waxay socon karaan ilaa afar todobaad. Waxana ka mid ah caalamadaha caabuqa hore: Qandho,Qarqaryo,Laabato xanuun, Muruq xanuun ,cune xanuun,dhidid (gaar ahaan habeenkii),Qanjirro xanuun,Finan cad oo uu yeesho qofka, Daal,daciifnimo iyo Miisaanka qofka oo yaraada.

B-calaamadaha qarsoon ee caabuqa: ka dib markii astaamaha bilowga baaba’aan, ma jiri doono wax calaamado dheeri ah oo in muddo ah la arkayo,inta lagu jiro wakhtigaan Fayraska wuxuu ku howlan yahay burburinta habka difaaca jirka, hawlgalkani waxa uu qaadan kartaa ilaa 10 sano. Qofka qaba cudurka  ma laha wax calaamado ah oo lagu garto.

C- Cudurka marxaladda dabyaaqada ah : Calaamadaha iyo astaamaha dambe ee cudurka HIV lagu arko waxaa ka mid ah:Shuban joogto ah ama ama qufac qalalan oo muddo dheer socda, qandho heer kulkeedu gaarayo 37C,dhidid habeenkii ah, daal joogto ah neef qabatoon, qanjiro barar, miisaanka oo yaraada dhibco caddaan oo jirka ka soo baxa.

 4-Maxaa sababa cudurka HIV / AIDS?  

Cudurkaan wuxuu ka mid yahay cudurada faafa ee la isku gudbiyo, qaababka ugu badan ee uu ku faafo waxaa ka mid ah galmada, gaar ahaan tan xaaraanta ah,tan kale hooyadu waxay cudurkaan u gudbin kartaa cunugeedii xilliga dhalmada , uurka , iyo sidoo kale naas-nuujinta . (Transmission Blood) .

Waxaa ka mid qaababka uu cudurkaan ku faafo isticmaalka maandooriyaha sida wadajirka ah cirbadaha loo wadaago, halista ugu hoosaysa ee isu gudbinta HIV waa iyada oo dhiig aan la hubin lagu shubo qof caafimaad qaba ,

Fayraska HIV kuma gudbo Salaanta,Hindhisada, Taabashada maqaarka,             wada isticmaalka musqulaha , wadaagidda weelka wax lagu cuno iyo qaniinyada Kaneecada.

5-sidee lagu ogaan karaa Qofku inuu qabo HIV.

Waxaa lagu ogaan karaa dhiigga oo la baaro,baaritaankanka cudurkaan isbitaalada qaar waa lacag la’aan, qaarna waxay ku sameeyaan qiimo jaban, waxaadna ka heli kartaa dhamaan xurumaha caafimaadka ee cudurada faafa.

Markaad tagayso xurumaha caafimaadka ee cudurada la isqaadsiiyo, uma baahnid inaad u sheegto magacaaga ama aad qaadato kaarka caafimaadka. Waxaa kale oo aad baaritaanka dhiiga ee cudurka HIV ka heli kartaa dhaqtarka xaafadaada.

6-qaabkee loo daaweeya cudurka HIV/AIDS?

Saynisyahanno kulan laba dhawaan ku yeeshay magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa yididiillo ka muujiyay in dhawaan la soo bandhigi doono daawooyin loo adeegsan doono wax ka qabashada viruska HIV ee keena cudurka Aids.

Viraska HIV ayaa ku noolaada unugyadda jirka iskuna qariya,Waxa la aaminsanyahay in sida ay isu shabahayaan, unugyadda keena kansarka iyo viruska dhaliya Aidska ay gacan ka gaysan karto in wa laga barto waxna laga qabto HIV-ga.

Dhanka kale Saynisyahannada ayaa aaminsan in tani tahay horumar wanaagsan balse billow ah.

7-Sidee Cudurkaan looga hortagi karaa?

Si cudurkaan halista ah looga hortago waxaa muhiim in aan hirgalinno qodobadaan.

a- Wacyigalin joogta ah.

b-Qofka oo ku ekaada xeradiisa ama gurigiisa xalaasha ah.

c- dhiigga oo baaris lagu sameeyo inta aan qofka lagu shubin.

d- Saliingaha(Cirbadda)  qof  lagu duro in aan qof kale loo isticmaalin.

1da December waa maalin wacyigalineed, sidaa darteed waxaa muhiim ah in bulshada laga wacyi galiyo qatarka cudurkani leeyahay, sida loo kala qaado iyo in aan la takoorin dadka la nool, waxaana qormadayda ku soo gabagabaynayaa murtida Soomaaliyeed ee oranaysa (Ibtaada yaysan iil ku gayn).

W/D: Gobdoon

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Imaaraatka Carabta oo soo dhoweysay heshiiskii Turkiga ee lagu soo afjaray khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay Khamiistii ku soo dhaweysay heshiiskii Turkiga uu dhexdhexaadinayey ee u dhaxeeyay Soomaaliya…

Gudaha
December 13, 2024

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo Madaxtooyadda ku qaabilay Gabdhaha Agoonta ah ee Iskuulka Boondheere “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Madaxtooyadda ku qaabilay Gabdhaha Agoonta…

GudahaWararka
December 29, 2022

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo dood adag ka yeeshay labo sharci oo muhiim ah

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 18-aad ee…

GudahaWararka
February 13, 2023

Ra’iisul wasaaraha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida taliye ku-xigeenkii qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Ra'iisul wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi udiray qoyskiisii & bahda Booliska Soomaaliyeed ee uu ka…

GudahaWararka
May 15, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023