Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo
    May 30, 2026
    Ciidanka XDS oo Howlgallo ka Dhan ah Khawaarijta ka Fuliyay Deegaanno ka Tirsan Shabeellaha Dhexe
    May 30, 2026
    Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed
    May 30, 2026
    Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka
    May 30, 2026
    Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka
    May 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Howlwadeeno ka tirsan wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya oo tababar uga furmay Shiinaha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Howlwadeeno ka tirsan wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya oo tababar uga furmay Shiinaha
GudahaWararka

Howlwadeeno ka tirsan wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya oo tababar uga furmay Shiinaha

By Dahir Aadan Cali
Last updated: July 10, 2024
2 Min Read
Share

Beijing(SONNA):- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing uga qeyb galay furitaanka munaasabad lagu daah-furayay tababar ku saabsan hannaanka kobcinta kalluumeysiga Soomaaliya.

Tababarkan oo loo qabtay howl-wadeeno ka tirsan wasaaradda Kalluumeuysiga Soomaaliya ayaa ujeeddiisu waxay tahay in sare loogu qaado xirfadda  kalluumeysiga Soomaaliya, iyadoo mudadda ay dalka Shiinaha ku sugan yihiin booqan doono goobo kala duwan oo dalkaas ka tirsan.Munaasabaddan ayaa ka qabsoontay xarunta iskaashiga dhaqaalaha dibadda (FECC),ee wasaaradda Beeraha iyo arrimaha Miyiga (MARA) ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaga ayaa waxaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Danjire Kullane.

Danjiraha ayaa khudbaddiisa ku sheegay muhiimadda uu kalluumeysiga u leeyahay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay taageerada Dowladda Shiinaha ay mar waliba la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Marwo,Ikraan Maxamed Cabdullaahi oo ah agaasimaha waaxda shaqaalaha ee wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin tababarkan qiimaha badan,islamarkaana ka faa’ideysan doonaan qibradda iyo waayo-aragnimada Dowladda Shiinaha ee xagga Kheyraadka biyaha.

Ms. Lin Huifang, ku xigeenka agaasimaha guud ee FECC, oo sharaxday ujeedooyinka tababarkan ayaa hoosta ka xariiqay inuu daaran yahay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa ka faa’ideysiga Kheyraadka Badda sida Kalluumeysiga, wuxuuna howlwadeenadda tababarka loo furay kula dardaarmay in ay ka faa’ideystaan tababarkan,islamarkaana wixii wanaagsan ay ka u gudbiyaan shacabka ay wakiilka ka yihiin.

Ugu dambeyn, Safiirka JFS ee dalka Shiinaha Danjie Cali Cawaale Kullane ayaa muujiyay doorka muhiimka ah ee kalluumeysiga Soomaaliya iyo suurtagalnimada in la wanaajiyo iskaashiga Shiinaha iyo Soomaaliya, waxaana tababarkan uu socon doonaa 10-ka Luulyo ilaa 30-ka Luulyo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

MUQDISHO(SONNA));-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Ciidanka Qaranka…

May 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka gaashaandhiga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya,…

GudahaWararka
November 27, 2025

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo guddoomiyay shir looga hadlayay sugida amniga ee toddobaadka Xorriyadda iyo maalmaha Ciida

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo Taliye Xigeenka Ciidanka  Sareeye Guuto. Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), ayaa…

GudahaWararka
June 25, 2023

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Daawo ah gaarsiiyay Cisbitaalka degmada Cadale

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo maanta booqday isbitaalka weyn ee degmada…

GudahaWararka
March 29, 2025

Qaar ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka oo la kulmay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Muqdisho-(SONNA)-Guddiga gaarka ah arrimaha Xabsiga dhaxe ee Xamar waxay kulan kula yeesheen xaruunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa Taliyaha…

GudahaWararka
September 6, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023