Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta oo dardar uga socda Jubbaland
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta oo dardar uga socda Jubbaland
GudahaWararka

Howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta oo dardar uga socda Jubbaland

By Dahir Aadan Cali
Last updated: March 11, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Waxaa dardar ku socda howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo deegaannada Jubbaland kuwaas oo ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.

Madaxda qaranka iyo kuwa Jubbaland ayaa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta in ay doorkooda ka qaataan qorshyeyaasha dib u xoreynta iyo horumarinta deegaannada Dowlad gobolleedka Jubbaland.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku booriyay ciidamada huwanta ah dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee diidan nabadda iyo horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhaq-dhaqaaqa iyo howlgallada bilowga ah ayaa wal-wal iyo cabsi xooggan ku abuuray Khawaarijta, kuwaas oo hadda bilaabay in ay ka cararaan deegaannada fara ku tiriska ah ay ku harsan yihiin, waxayna ciidamada qaranka iyo kuwa Jubbaland ay jilibka u dhigeen weeraro fulaynimo oo ay maleeshiyada Khawaarijta soo abaabuleen, kuwaas oo dhawaan ka dhacay deegaanka Jannaay Cabdalla, waxaana halkaas argagixisada lagu gaarsiiyay khasaaro xooggan oo mahadho ku reebay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ciidamada isgarabsanaya ee xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland uga mahadceliyay sida ay har iyo habeen ugu taagan yihiin xoraynta dalka iyagoo naftooda u huraya sidii dalkeennu uu cagahiisa iskugu taagi lahaa.

Ugu dambeyntii, ciidamada qaranka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa guulo wax ku ool ka soo hooyay dagaalladii ugu dambeeyay ay la galeen Khawaarijta. Dowladda federaalka ayaa sii xoojineysan doorkeeda howlgallada socda.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaashaย 

Muqdisho-(SONNA)-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne, Boondheere iyo Shibis ayaa waxaa maanta ka billaabatay diiwaangalinta codbixiyaasha golaha…

GudahaWararka
April 19, 2025

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay go’aankii Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay goโ€™aanka golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika uu ku muujiyey sida uusan goluhu marnaba u…

GudahaWararka
January 18, 2024

Mucaaradka Dalka Gini oo dowladda ku eedeeyay dilka 90 qof oo rayid ah

Mucaaradka Dalka Gini ayaa waxa ay shegeen in ciidamada Boliiska dalkaasi ayย  toogasho ku dileen in ka badan 90 qof,xilli…

Wararka
October 13, 2020

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay Kulanka Guddiga Joogta aha ee golaha Shacabka

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn,…

GudahaWararka
May 28, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023