Muqdisho,(SONNA):- Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka.
Khawaarijta ayaa howlgalkan looga saaray in ka badan 100-deegaan oo istiraatiiji ah muddo badan dadka ย ay ku dhibaateyn jireen,kuwaas oo dhaca gobollada Shabeelooyinka.
Howlgalkan Seefta Aamusan oo uu hormuud ka yahay Gaashaanle dhexe Saahid Jaamac Faarax (Jareere), Taliyaha qeybta 1-aad kumaandooska Gor Gor ayaa noqday mid lagu guuleystay oo u fulay sidii loo qorsheeyay, kuwaas oo nafta kagu dhaafiyay inta badan horjoogayaashii Khawaarijta ee gobolladaas.
Guulaha wax ku oolka ah ee ay Ciidamadu gaareen waxaa ka mid ah qabashada deegaannada kala ah Jendershe, CeelSaliini, Jabad Ari Dhannaane, Mukeyga, Ceel Beenaad, Xiinka Besaani, Ceel Caliyow iyo deeganno kale oo badan oo ka tirsan labada Shabeelle.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan ayaa balan qaaday in Khawaarijta dib dambe u soo damaaci doonin deegaannada laga xoreeyay oo shacabka ka doogteen dhibtii ay ku hayeen.