Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Howlgalka ATMIS oo billaabay dhimista Ciidamadooda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Howlgalka ATMIS oo billaabay dhimista Ciidamadooda
GudahaWararka

Howlgalka ATMIS oo billaabay dhimista Ciidamadooda

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 21, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Howlgalka kumeelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa billaabey dhimista Ciidamada, iyada oo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) ee tirsigiisu yahay 2628 (22) iyo 2670 (22), kaas oo faraya howlgalka ATMIS in ay saarto 2000 oo askari dhammaadka Juun 2023.

Howlgalka ATMIS oo taageero ka helaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya (UNSOS) ayaa ku wareejiyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) xaruntii ugu horreysay ee saldhigga Ciidanka Xaaji Cali ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Taliyaha Ciidamada Burundi ee howlgalka ATMIS Gaashaanle dhexe, Richard Bimenyimana ayaa si rasmi ah xaruntan ugu wareejiyay taliyaha ciidanka XDS ee aaggaas, Gashaanle Bashiir Abuukar Axmed, waxaana munaasabadan ka qeyb galay saraakiil sar sare oo ka kala socday ATMIS iyo CXDS, taas oo uu gudoominayay taliyaha ciidamada ATMIS ee dhanka Qorsheynta Gash.dhexe. Collins Musau.

“Sannado badan, waxaan si dhow ula shaqeynay CXDS, wadashaqeyntaasna waxay si weyn uga qeyb qaadatay horumarinta xasilloonida iyo amniga deegaankan, xil wareejinta maanta waxay qayb ka tahay wareejinta mas’uuliyadda amniga dalka,” ayuu yiri Gash.dhexe. Musau.

Taliyaha CXDS  ee aaga Xaaji Cali, Gash. Bashiir, ayaa uga mahadceliyey ATMIS wareejinta xaruntan, wuxuuna sidoo kale xusay in xil wareejinta ay ka dambeysay xiriir wada shaqeyn oo dhex maray ATMIS iyo CXDS.

“Waxaan had iyo jeer xiriir wanaagsan la lahayn howlgalka ATMIS inta ay halkan ka shaqeynayeen, haddana xilka ku wareejinayaan sidii loo igmaday, waan ku faraxsanahay inaan la wareegno mas’uuliyadda amniga,” ayuu yiri Gashaanle Bashiir.

Taliyaha Ciidamada Burundi ee howlgalka ATMIS Gaashaanle dhexe, Richard Bimenyimana ayaa xasuusiyay dhammaan dhinacyada in xil-wareejintu ay tahay fulinta waajibaadka howlgalka ATMIS.

“Waa tallaabo muhiim ah oo uu maanta horey uqaaday howlgalka ATMIS, ka dib booqashadii hore ee ay qiimeynta ku sameeyeen saldhiggan hoggaanka Sare ee ATMIS, SNA iyo UNSOS,” ayuu yiri Gash.dhexe. Bimenyimana.

Hay’ada Qaramada Midoobey ee UNSOS ayaa taageero farsamo iyo qalab siisay howlgalka ATMIS, waxayna CXD ku wareejiyeen ceel riig ah, qalabka lagu daweeyo biyaha iyo kaydinta, Janareetaro, Solarro, qalabka qaybinta korontada, talaajado iyo qaboojiyayaal.

Saldhiga Xaaji Cali oo 70 km waqooyi-bari ka xiga Magalada Muqdisho ayaa ka mid ah 7 saldhig oo howlagalka ATMIS ku wareejinayo CXDS dhamaadka bisha June 2023, Bishii Janaayo ee sanadkan ATMIS ayaa saldhigga Maslax ee duleedka Muqdisho ku wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada Kumaandooska Danab oo bur buriyay fariisimo ay argagixisada ku lahayd Jubbada Hoose “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Howlgal qorshaysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ururka 5aad Guutada 16 ee Kumaandooska Danab iyo kuwa Dowlad…

GudahaWararka
December 2, 2021

5 qof oo ku dhimatay toogasho ka dhacday Mareykanka

South Carolina.(SONNA):- Booliska Mareykanka ayaa sheegay in 5 qof oo ay ku jiraan labo caruur ah ku dhinteen toogasho ka…

CaalamkaWararka
April 8, 2021

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo madaxa golaha warbaahinta Turkiga oo daah-furay laanta cusub ee TRT AFRIKA

Istanbul(SONNA):-Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama iyo Madaxa Golaha Warbaahinta Jamhuuriyadda Turkiga,…

GudahaWararka
April 1, 2023

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka oo kulan la qaatay Madax ka socotay hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka oo ay wheliyaan Guddoomiye ku xigeenka hay’adda iyo Madax kale oo ka tirsan hay’adda ayaa…

Wararka
March 27, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023