Muqdisho(SONNA);-Ciidanka xoogga dalka gaar aha Ururka 260aad,ee Qeybta 60-aad ayaa howlgallo Qorshaysan oo lagula dagaalamayo Khawaarijta ka fuliyey deegaano hoos yimaada degmada Waajid ee gobolka Bokool iyo tuulooyin u dhexeeya degmooyinka Rab-dhuure, Luuq Ganaane, degaanka yurkud.
Howlgalka waxaa hoggaaminayey Taliyaha Ururka 260aad Dhamme Onkod Macalin Aadan oo sheegay in howlgalka ay deegaanadaas uga sifeeyeen Maleyshiyaadka Khawaarijta.
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa.wado howlgallo khawaarijta looga sifeeynayo degaannada ay kaga dhuumaleysanayaan qeybo.kamid ah gobolada dalka