Muqdisho (SONNA) Ciidanka hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Jubbaland iyo ciidamada howlgalka midowga Afrika ee ATMIS ayaa hawlgal ka sameeyay deegaanada Cali Bulay, Dhagax iyo Shabaax oo hoos yimaadda degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu baacsanayay kooxaha Khawaarijta Al-shabaab, ka dib markii Ciidamada ay heleen xogta goobo ay ku dhuumaaleysanayeen.
Sidoo kale, Ciidamada hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ee degmada Dhoobley iyo kuwa ATMIS ayaa baaritaanno kala duwan ka sameeyay waddooyinka muhiimka ah iyo tuulooyiinka ku teedsan deeganadaasi.
Taliyaha ciidanka nabad sugida dagmada Dhooblay, Kabtan Cabdulaahi Ibraahim Cadde oo hoggaaminayay howlgalkan ayaa warbaahinta dowladda Jubbaland u xaqiijiyay in ay hadda nabdoonyihiin dhammaan deeganadii ay ka sameeyeen howlgalka.