Muqdisho-(SONNA)-Maamulka iyo howl-wadeenada Madaxtooyada ayaa markii 8-aad ka qeyb qaatay Barnaamijka barnaamijka ololaha Is-xilqaan ee dib loogu dhisayo xarumaha danta guud ee Dalka.
Dhismaha ka socda Madxafka Qaranka ayay howl-wadeennadu ka qeyb qaateen, iyaga oo saacado xiriir ah si wadajir ah uga shaqeynayey dib u dhiska goobaha danta guud.
Maryan Aadan Amiin, oo ah wakiilka Tiyaatarka, Madxafka iyo Maktabadda Qaranka ee Barnaamijka Isxilqaan ayaa sheegtay in shaqaalaha Madaxtooyadu ay kaalin muhiim ah ka qaateen Ololahan.
Dhinaca kale, maamulka Madaxtooyada ayaa dhismaha Madxafka uga qeyb qaatay agab kala duwan oo fududeyn doona dhismaha socda, waxaana lagu wareejiyay hoggaanka Isxilqaan.
Ku xigeenka Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Mudane; Cabdullaahi Sheikh Cabdikariin Yuusuf oo hoggaaminayay hawl-wadeennada Madaxtooyada ee Maanta ka qeyb galay is-xilqaan ayaa ku dhiirigaliyay shaqaalaha Madaxtooyada in ay xoojiyaan ka shaqeynta danta guud.
ย