Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
GudahaMaqaalladaWararka

Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 21, 2025
6 Min Read
Share

Waxaa jira digniino ku aadan halista kooxda Khawaarijta ah ay mar walba la maagan yihiin shacbiga Soomaaliyeed, waxaana loo baahan yahay in laga digtoonaado, gaar ahaan lacagaha ay Baadda kaga aruuradaan Dadka kaalmada u baahan, iyadoo ay inta badan ay ku badan yihiin Dhulka Miyiga ah iyo kuwa Beeraleyda ah oo ay si khasab ah Lacago uga qaata.

Dhawaan waxaa Kulanka isugu yimid 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 k𝐚 h𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐋𝐚𝐜𝐚𝐠 d𝐡𝐚𝐪𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 l𝐚 d𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa waxaa looga dooday sidii loo dar-dar galin lahaa qorshe yaasha ka dhanka ah dhaqaale uruuriska kooxda argagixisada khawaarijta ah ee inta badan dhibaatooyin ku haya bulshada Soomaaliyeed, waxaa ka mid ahaa xubnaha Guddiga ee kala ah:- Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Amniga, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Isgaarsiinta, Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, Hey’adda Warbixinada Maaliyadda iyo Hay’adda isgaarsiinta Qaranka ayaa ugu dambeyntii laga soo saaray War-murtiyeedk hoos ku xisun.

𝐇𝐎𝐑𝐌𝐔𝐌𝐀𝐑𝐊𝐀 𝐋𝐀𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐄𝐆𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐀𝐇 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐊𝐎𝐎𝐗𝐀𝐇𝐀 𝐊𝐇𝐀𝐖𝐀𝐀𝐑𝐈𝐉𝐓𝐀 AH

War-saxaafadeedka kulankaasi kadib la soo saary ayaawaxaa lagu yiri:- “Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay xoojisay dadaallada lagu burburinayo dhaqaalaha & maaliyadda kooxaha argagixisada ay u adeegsadaan maalgelinta hawlgalladooda guracan. Dowladdu waxay dejisay qorshe gaar ah oo lagu cuuryaaminayo dhaqaalaha argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga, loogana hortago khataraha argagixisada. Qorshaha cuuryaaminta maaliyadda argagixisadu, waa xeelado iyo tallaabooyin kala duwan oo loogu talagalay in lagu aqoonsado, la baaro, la xannibo, cadaaladana la horgeeyo. dhaq-dhaqaayada maaliyadeed ee sharci darrada ah”.

Qorshahan wuxuu dowladda ka caawiyay la-dagaalanka maalgelinta argagixisada & wuxuuna xoojiyey hufnaanta guud ee nidaamka maaliyeed dalka, isla markaana horseeday kobaca dhaqaalaha & xasiloonida dalka.

Inta u dhaxeysay 1da Janaayo ilaa 30ka June 2025-ka, dowladda ayaa qaaday tallaabooyin muhiim ah oo loo qorsheeyey in lagu bartilmaameedsado dhaqaalaha kooxaha khawaarijta, waxaana la gaaray guulaha hoose: –

•𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐥𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝟓𝟕𝟓 𝐭𝐞𝐥𝐞𝐟𝐨𝐧 𝐥𝐚𝐦𝐛𝐚𝐫 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐮 𝐮 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐬𝐚𝐧 𝐣𝐢𝐫𝐞𝐞𝐧 𝐜𝐚𝐛𝐬𝐢-𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚, 𝐡𝐚𝐧𝐣𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐤𝐞𝐲𝐝𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐚𝐡.

•𝟐𝟏 𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐛𝐚𝐧𝐠𝐢 (𝐁𝐚𝐧𝐤 𝐀𝐜𝐜𝐨𝐮𝐧𝐭𝐬) 𝐚𝐲 𝐢𝐬𝐭𝐢𝐜𝐦𝐚𝐚𝐥𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐚𝐲

•𝐈𝐧 𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝟖𝟖 𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐠𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢 (𝐌𝐞𝐫𝐜𝐡𝐚𝐧𝐭𝐬) 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨 𝐢𝐬𝐭𝐢𝐜𝐦𝐚𝐚𝐥𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐡 & 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐢𝐝𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐢𝐝𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐚𝐲.

•𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐜𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐥𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐠𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐨 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐭𝐢𝐫𝐬𝐚𝐧𝐚𝐚 𝐤𝐨𝐨𝐱𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐮𝐰𝐚𝐚𝐬 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡 𝐮𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐰𝐥𝐚𝐧𝐚𝐚 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐨 𝐠𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚

•𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐬𝐢 𝐠𝐮𝐮𝐥 𝐥𝐞𝐡 𝐥𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐫𝐭𝐢𝐥𝐦𝐚𝐚𝐦𝐞𝐞𝐝𝐬𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐧𝐚 𝐤𝐡𝐚𝐚𝐫𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐣𝐨𝐨𝐠𝐚𝐲𝐚𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐭𝐢𝐫𝐬𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚, 𝐤𝐮𝐰𝐚𝐚𝐬i 𝐨𝐨 𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐬𝐚𝐚𝐧𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚, i𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐰𝐞𝐲𝐧 𝐥𝐨𝐨 𝐰𝐢𝐢𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐫𝐧𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐛𝐚𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐤𝐨𝐨𝐱𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚

•𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐛𝐮𝐫𝐛𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐛𝐚𝐫𝐨 𝐤𝐚𝐧𝐭𝐚𝐫𝐨𝐨𝐥𝐨 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐨𝐱𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐮 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐬𝐚𝐧𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐚d𝐝𝐚 𝐚𝐡 & 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐦𝐨 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐤𝐞𝐲𝐝𝐢𝐲𝐨.

“Dowladdu waxay ku guuleysatay dadaalladan iyada oo kaashanayso shacabka & shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay. waxaana wacyigelin ballaaran loo sameeyey bulshada si ay uga digtoonaadaan khataraha maalgelinta khawaarijta, isla markaana uga qayb qaataan la dagaalanka maalgeinta khawaarijta iyo sidoo kale, dadaalladan ayaa ka hirgalay xeerarka kala duwan ee dowladda. Ujeeddadu waa in la dhiso iskaashi qaran oo mideysan, lagana hortago khataraha khawaarijta xeer kasta” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Federaalka, ayaa xustay in iyadoo ka duulayso waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran dhowrista sharciga, iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, ayaa sheegtay inay ka go’an tahay fulinta qorshayaasha qaran ee ka-hortaga lacag dhaqida iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada.

Ugu dambeyn, dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag uga digaysaa in bulshada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay ku lug yeeshaan falalka la xiriira baadda ay argagixisada shacabka ka qaado, sida bixinta, uruurinta, fududeynta lacagaha ama agab loo isticmaali karo hawlaha argagixisada. Qof kasta oo lagu helo maalgelin argagixiso, waxaa laga qaadi doonaa taabooyin adag oo sharciga waafaqsan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga XFS Maxamuud Abuukaate oo kulankaasi ka hadlay ayaa yiri:- “Waxaan ganacsatada uga digeynaa inay lacago baad ah siiyaan khawaarijta.”

Haddaba qoraal ay soo saartay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), kaasi oo daba socd qoraalka ay soo saareen Guddigaasi ayaa lagu sheegay in ay dabagal iyo baaris ku haysaa hantida iyo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee Argagixisada, waxa ayna si gaar ah isha ugu haysaa uruurinta Baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka. Sidaas darteed ayuu lagu yiri qoraalka , “ganacsatada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, waxaa looga digayaa in ay qayb ka noqdaan ama ay ku lug yeeshaan arrinkaasl”.

Qoraalka ayaa waxaa lagu yiri:- “Qof kasta oo bixiya Baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka, waxa uu ku dhacayaa dembiyada maalgelinta Argagixisada ee ku xusan shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya ka-hortagga iyo la-dagaalanka maalgelinta Argagixisada. Haddaba, ciddii lagu helo bixinta Baadda Argagixisada, waxaa laga qaadayaa tallaabo deg-deg ah oo waafaqsan shuruucda dalka iyo go’aannada maamul ee khuseeya. Ganacsade/muwaadin, waxaa lagu xasuusinayaa in Hay’adaha amniga ee ay khusayso aad la soo wadaagto wax kasta oo la xiriira Baadda ay Khawaarijtu qaaddo iyo culays kasta ee aad Argagixisada kala kulantid.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray xarunta Wasaaradda Maaliyadda +Sawirro

Samo-reeb-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa Maanta kormeeray xarunta Wasaarada Maaliyadda ee Galmudug, si uu ugu kuurgalo shaqooyinka…

WararkaWargayska
August 30, 2020

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray ciidamo katirsan xoogga Dalka

Muqdisho(SONNA):-Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdinuur Daahir Fiidow ayaa dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Turk-Som tababar ugu soo…

GudahaWararka
September 11, 2023

Wasiirka xanaanada xoolaha oo Rome kula kulmay madax ka tirsan hay’adda FAO

Rome (SONNA): Wasiirka wasaaradda xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa dowladda FS mudane Xasan Xuseen Maxamed iyo wafdi uu Hogaaminaayo oo…

GudahaWararka
July 24, 2024

Imtixaanka aqbalaadda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo billowday

Muqdisho:- Raktar Xigeenka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Cabdullaahi Sh. Rashiid (Maki) ayaan maanta daah furay Imtixaanka Aqbalaadda oo ka…

GudahaWararka
September 12, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023