Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Horudhac: Manchester City vs Aston Villa… (Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka galabta ee Premier League)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Horudhac: Manchester City vs Aston Villa… (Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka galabta ee Premier League)
CaalamkaCiyaaraha

Horudhac: Manchester City vs Aston Villa… (Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka galabta ee Premier League)

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 26, 2019
4 Min Read
Share

Manchester(SONNA)-Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa kulan ka tirsan horyaalka Premier League galabta ku soo dhoweynaysa Aston Villa garoonkeeda Etihad Stadium.

Citizens ayaa doonaysa inay guul gaarto si ay cadaadiska ugu sii hayso kooxda ay ku hardamayaan hanashada horyaalka Premier League ee Liverpool.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Sabti, 21 Okt 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 02:30 Duhurnnimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Graham Scott (England)

Garoonka: Etihad Stadium

Wararka Kooxaha:-

Laacibka khadkad hexe ee Manchester City Rodri ayaa dhaawac muruqa ah uu soo gaaray bartamihii todobaadkan, waxaana la filayaa inuu garoomada ka maqnaan doono illaa bisha November ee fasaxa caalamiga ah.

Oleksandr Zinchenko ayaa wajahaya maqnaansho muddo dheer ah kaddib dhaawac uu ka qabo jilibka, laakiin John Stones ayaa ku soo bilaaban kara safka hore markii ugu horreysay tan iyo bartamihii September.

Kooxda Aston Villa daafaceeda James Chester ayaa diyaar ah oo la heli karaa markii ugu horreysay xilli ciyaareedkan, halka  Jonathan Kodjia iyo Kortney Hause ay sidoo kale taam yihiin markale.

Naadiga Aston Villa kaliya halka ciyaaryahan oo ka maqan kulankan waa laacibka garabka uga ciyaara ee Jota.

Xiddigan reer Spain ayaa sii wadan doona ka soo kabashadiisa qalliin lagu sameeyey.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Manchester City ayaa guuleysatay sagaalkeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka Premier League kula ciyaartay garoonkeeda naadiga Aston Villa, waxaana ay iska dhaliyeen cel-celis ahaan mudadaas 30-4 goolal ah, guuldarradii ugu dambeysay ee City kulan horyaalka ah ay Aston Villa ku bado garoonkeeda waxa ay ahayd bishii April sanadkii 2007, markaasoo looga adkaaday Sky Blue 2-0.

>- Aston Villa ayaa ku guuldarreysatay inay gool dhaliso toddobo ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeysay oo ay Premier League ku wajahday Manchester City, waxaana ay kala kulantay 1 guul, 1 barbaro iyo 7 guuldarro, iyadoo labadii kulan ee ay goolal dhaliyeen ay ku dhamaadeen 3-2, waxaana ay la kulmeen labadaan kulan 1 guul iyo 1 guuldarro.

>- Manchester City ayaan guuldarro la kulmin kulammo xiriir ah oo ay horyaalka ku ciyaartay garoonkeeda tan iyo bishii Febraayo sanadkii 2016-kii, halka Tababare Pep Guardiola aysan weligiis kulamo isku xiga horyaalka aysan gurigiisa ku soo gaarin guuldarro xirfaddiisa macallinnimo.

>- Man City ayaa horray ugu guuldareysatay inay guuleysato labo ka mid ah afartii kulan ee ay ku ciyaareen garoonkooda xilli ciyaareedkan Premier League, waxaana ay haystaan 2 guul, 1 barbaro iyo 1 guuldarro) waana in ka badan sidii ay sameeyeen xilli ciyaareedkii 2018-19 oo dhan oo ay la yimaadeen 18 guul iyo 1 guuldarro).

>- Afartii kulan ee ugu dambeysay Premier League, xiddiga Aston Villa ee Jack Grealish ayaa ku lug lahaa afar gool 2 gool oo uu dhaliyey  2 caawin oo uu sameeyey, wuxuuna u abuuray 15 fursadood asxaabtiisa kooxda, shantii kulan ee ugu horreysay horyaalka xilli ciyaareedkan, waxa uu ku lug lahaa kaliya hal gool, waana 1 caawin oo u sameeyey, isagoo abuuray 10 fursadood.

Shaxda Macquulka ah Man City ay ku soo geli karto: Ederson; Cancelo, Stones, Otamendi, Mendy; De Bruyne, Fernandinho, Silva; Bernardo, Aguero, Sterling. 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Senegal oo si dirqi ah uga badisay Zimbabwe

Muqdisho(SONNA):-Xulka qaranka Senegal ayaa galabta si dirqi ah uga badiyay dhigiisa Zimbabwe kadib marki ay isaga hor imaadeen tartanka koobka…

CiyaarahaWararka
January 10, 2022

R/Wasaarihii hore ee Dalka Talyaaniga oo ku dhintay da’da 86

Silvio Berlusconi, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Dalka Talyaaniga ayaa ku geeriyooday Magaalada Milano  ee dalkaasi,isagoo da'diisa lagu sheegay  86-jir Wuxuu…

Caalamka
June 12, 2023

Masoud Pezeshkian oo ku guuleystay xilka madaxtinimo ee Iran

Masoud Pezeshkian ayaa ku guuleystay doorashadii ku celiska ahayd ee loo dareeray maalinimadii shalay sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha…

Caalamka
July 6, 2024

Tirada dhimashada dhulgariirkii ka dhacay Afganistaan oo gaartay 2000

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirrada xoogga badan ee galbeedka Afgaanistaan ayaa lagu qiyaasay 2000 oo qof, sida uu ka dhawaajiyay…

Caalamka
October 8, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023