Wisil (SONNA): Horjooge Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur oo ugu sareeyey Khawaarijta joogta gobolka Mudug ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo daraawiishta Galmudug.
Horjoogahaan oo watay gaari nooca raaxada ah iyo Qori AK-47 ah ayaa ka yimid duurka degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, waxaana hadda lagu hayaa degmada Wisil.
Wasiirka arrimaha gudaha dowladda FS Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku sugnaa goobtii maanta lagu soo bandhigay horjoogaha.
Isi soo dhiibidda horjoogahan ayaa muujinaysa sida kooxda Khawaarijta ah ay u sii tabar yaraanayso, islamarkaana horjoogayaashoodii ay u kala baxsanayaan.