Muqdisho(SONNA) Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed oo kaashaneysa Howlgalka Saaxiibada Mareykanka ayaa fuliyay duqeyn xagga cirka ah oo ka dhan ah Xagjirka al-Shabaab meel u dhow deegaanka Dujumma oo qiyaastii 6Km u jirta Magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubbada Dhexe.
Saraakiisha howlgalkaasi hogaaminaysa ayaa Wakaaladda Wararka (SONNA) u Xaqiijiyey in xubin muhiim ah oo ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab lagu khaarijiyay howlgalkasi oo ahaa midqorsheysnaa.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey inaysan jirin waxyeelo soogaartay dadka rayidka ah intii uu socday howlgalgalkaasi oobartilmaameedkiisu ahaa goobo ay ku dhuumaalaysanayeen horjoogayaasha Shabaab iyo maleeshiyaadkooda.
Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada Mareykanka ayaa wada dadaal dheeri ah si looga hortago waxyeelada soo gaarta rayidka iyo in la horkeeno cadaaladda horjoogayaasha muhiimka ah ee fuliya weerarada ka dhanka ah shacabka aan waxba galabsan.
Howlgalkan wuxuu muujinayaa ka go’naanshaha dowladda Soomaaliyaย iyo saaxiibada caalamiga ah sii wadidda dagaalka lagula jiro al-Shabaab iyo ka shaqeynta sidii loo gaari lahaa amni iyo xasillooni waarta guud ahaa dalka Soomaaliya