Muqdisho,(SONNA):-Axmed Mursal Maxamed oo looga yaqaanay Khawaarijta dhexdeeda (Qulaan) unaa qaabilsanaa arrimaha xooraanka ayaa isku soo dhiibay Ciidanka hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka ee ku sugan Magaalada Xudur Xaruunta Gobolka Bakool.
Axmed Qulaan khawaarijta wuxu ku biirey 2010 waxana u ka hawlgalayay degmooyinka iyo deegaanada gobolka Bakool halkaad oo u uga qayb galay dagaallo dhowr ah,isagoo horjooge u ahaa koox khawaarij ah oo jid gooyo ka samaynayay wadooyinka soo gala magaalada Xuddur.
Mudada 13 ka sano ah oo u khawaarijta ka tirsanaa ayuu qayb ka ahaa dhiig quutayaasha aan arxanka lahayn ee Khawaarijta Al-shabaab.
“Sababta ka dambeysa ee igu kaliftay in aan ka soobaxo ayaa ahayd in maleeshiyada khawaarijta ay ka dhex jirto cabsi iyo kala shaki badan,waxaa la soo xiriiray dad aan ehel nahay anigoo ku wargeliyay in fursada cafiska ee madaxweynaha aan ka faa’iideysto oo aan isa soo dhiibo, ugu dambeyna go’aankeygii aan qaatay in aan ka sii mid ahaan karin khawaarijta”.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay marar badan ku celcelisay in cafis loo fidinayo dhallinyarada dhaqanka gurracan ee argagxisada Khawaarijta ka soo laabta.