Dhuusamareeb (SONNA): Horjooge ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa difaaca deegaanka ee ku sugan gobolka galgaduud.
Mahad Aw Cismaan Sabriye oo ahaa madixii Jabhadaha Khawaarijta ee qaabilsanaa degmada Galcad iyo deeganada Budbud,ย Cowsweyne iyo Masagawaa ayaa isku soo dhiibay ciidamada xoogga iyo kuwa difaaca deeganka ee macawisleyda, kuwaas oo ka howlgala gobalka Galgaduud.
Hagar Barre oo ah hogaamiyaha macawiisleyda ka howlgasha deegaanada hoostaga degmada Galcad ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in horjoogaha isi soo dhiibay uu ahaa shaqsigii ugu sarreeyey maleeshiyaadka Khawaarijta ee dhibka badan ku haysay shacabka dega degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad.