Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
    DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed
    June 2, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 2, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Jubada dhexe
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Jubada dhexe
GudahaWararka

Horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Jubada dhexe

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: October 27, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya saaxiibbada caalamka ayaa duqeyn qorshaysan oo ka dhacday 26-ka Oktoobar 2025 magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Xaamud, kuna magac dheeraa Jacfar Gurey.

Dhagarqabe Jacfar Gurey wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Khawaarijta, isagoo saaxiib dhow la ahaa horjoogayaashii isaga ka dambeeyay hoggaanka Khawaarijta, Axmed Cabdi Godane iyo Axmed Diiriye, kuwaas oo uu muddo dheer la soo shaqeeyay. Wuxuu hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, Madaxa Amniga Dibadda, Madaxa Amniga Madaxda Khawaarijta, iyo Madaxa Dabagalka, dhammaan xilalkaas oo la xiriiray hawlaha sirdoonka, qorsheynta weerarrada, iyo dilalka arxan darrada ah ee Khawaarijta.

Dhagarqabahan ayaa door muuqda ku lahaa maalgelintii iyo dhismahii hore ee Khawaarijta, isagoo qayb ka ahaa lacag laga soo dhacay shirkad Itoobiyaan ah oo uu la socday horjoogihii hore ee kooxda, Axmed Cabdi Godane, taas oo lagu maalgeliyay aasaaskii ururka Khawaarijta.

Hawlgalka guuleystay ee lagu khaarijiyay dhagarqabe Jacfar Gurey wuxuu ka tarjumayaa wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamka ee ku aaddan la dagaallanka Khawaarijta, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida, iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxay mar kale u xaqiijinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah Khawaarijta ay sii socon doonaan ilaa dalka laga xoreeyo haraadiga kooxaha argagixisada, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad, xasillooni, iyo horumar waara.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Geneva (SONNA): Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo ka tacsiyeeyay geerida Malaaq Xasan Shure

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda reer Koonfur…

Wararka
March 17, 2021

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka u jeedinaya khudbad ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo…

GudahaWararka
January 13, 2026

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo guddoomiyay shirka Guddi Hoosaadka Tiirka Dhaqaalaha

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa maanta shir guddoomiyey Guddi Hoosaadka Tiirka Dhaqaalaha.…

GudahaWararka
January 15, 2023

Ciidanka xoogga Dalka oo kala dhexgalay Malleeshiyaad ku dagaalamay Galgaduud

Dhuusamareeb-(SONNA)-Ciidamo katirsan xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Saacadihii lasoo dhaafay kala dhex-galay Labo Malleeshiya Beeleed oo dhowaan ku dagaallamay degaannada Mirxayleey…

Wararka
January 15, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023