Muqdisho(SONNA):- Howlgallo ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka fuliyeen aagga Dhasheeg Waamo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa lagu dilay horjooge ka tirsan khawaarijta iyo maleeshiyaad kale.
Horjooge Maxamuud Cali Xuseen oo magaciisa afgarshada ee kooxda Argagixisada ugu yeeraan uu yahay (Qayliyoow) ayaa dhibaato fara badan ku hayay bulshada halkaas ku dhaqan, iyagoo ka mahadceliyey dilkiisa.
Qeyliyoow oo xubin muhiim u ahaa khawaarijta ayaa khawaarijta u qaabilsanaa arrimaha la xiriira sameynta waxyaabaha qarxa sida miinooyin iyo dhanka sahanka ah, kaas oo muddo fog kamid ahaa Argagixisada.
Sidoo kale howlgalka oo ahaa mid saf balaaran ayaa laga fuliyay deegaannada Dharkeen Urur iyo Orgiyoow oo katirsan gobalka Jubbada hoose, isagoo wali ka socda halkaasi.
Howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee ka socda gobollada dalka ayaa lagu khaarajiyay horjoogayaal sar-sare iyo maleeshiyaad tiro beel ah kuwaas oo lagu dilay howlgallo toos ah iyo kuwa dhanka cirka ah.