Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sacuudiga
    May 13, 2026
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Horjooge Jaabir oo ku dhaawacmay dagaal khawaarijta ku dhex maray Jilib
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Horjooge Jaabir oo ku dhaawacmay dagaal khawaarijta ku dhex maray Jilib
MaqaalladaWararka

Horjooge Jaabir oo ku dhaawacmay dagaal khawaarijta ku dhex maray Jilib

By SB
Last updated: April 4, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaarijta arxanka daran ee Al-shabaab oo mudda dheer dhibaato ku heysay shacabka Soomaaliyeed ayaa hadda wajaheysa xaalad bur-bur iyo kala carar ah,kadib markii ay jab xooggan ka soo gaaray dagaalka xaq u dirirka ah ee geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo khawaarijta ka saaray degaanno badan.

Kaaxaha khawaarijta ayaa hadda wajahaya kala shaki iyo cabsi weyn ay soo kala dhaxgashay horjoogayaasha Maleeshiyada khawaarijta oo qarkood la go’doomiyay,halka kuwa kalana ay dileen waxaana sababta arintaa ay tahay cabsida ay ka qabaan ciidanka xoogga dalka ,kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah oo harsi iyo hoyaad u diiday khawaarijta gabalkoodu dhacay,khilaafka ayaa hada u sii gudbay horjoogayaasha ajaanibta iyo horjooge Mahad Karataay kaas oo sababay in habeen hore gurigiisa oo ku yaal degmada Jilib ku weeraro Mahad karaatay horjooge Jaabir kaas oo ku yaal suuqa Kalluunka,halkaas oo lagu dhaawacay horjooge Jaabir.

Warbaahinta qaranka ayaa ogaatay in dagaal toos ah ku dhex maray degmada Jilib labadda maleeshiyo ee daacada u kala ah Horjooge Mahad karataay iyo horjoogaha ajaanabiga ah ee Jaabir kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac,iyadoo horjooge Jaabir oo ka mid ahaa horjoogayaasha saamaynta ku dhex laha kooxda gabalkeedu sii dhacayo ee Khawaarijta.

Dagaalkan dhex maray Khawaariijta ayaa waxa ku dhintay 5 xubnood halka sidoo kale ay ku dhaawacmeeen 8 xubnood oo uu ku jiro horjooge Jaabir oo ay dhaawaciisa qaateen kooxdii soo weerartay,kooxda weerarka geystay ayaa ujeedkoodu yahay in ay wiiqaan ajaanibta ka hor timi horjoogaha Cusub ee ajaabiga ah Jacfar Suudaani.

Dhinaca kale maleeshiyaad daacad u ah horjoogihii hore ee ajaanibta Salmaan Muhaajir ayaa isu diyaarinaya in ay weeraraan xabsi ku yaal guddaha Jilib kaas oo dhowaan lagu xiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad ajaanib ah kuwaas oo uu dhowaan halkaas ku xiray horjooge Maxamed Aamin oo ah maleeshiyaadka ugu dhow dhow Horjoogaha dhagarta badan ee Mahad Karataay,xabsigan ayaa waxa gacanta ku haya horjooge Baahsaalow oo ka mid ah horjoogayaasha ay aad isugu dhow yihiin horjooge Mahad karataay.

Kooxda khawaariijta ayaa hadda baadi goob ugu jirta horjoogihii hore ee kooxda ajaanibta Salmaan Muhaajir oo la sheegay inuu ku dhuumalaysanayo deegaano u dhow degmada Jilib,kooxda khawaariijta ayaa guud ahaan a noqotay mid gabalkeedu dhacay iyadoo rabta hadda in ay soo afjarto xubnaha ay ka shakisan tahay,qaarkoodna xabsi geliso.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sacuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kula…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka ganacsiga dowladda FS oo Kismaayo gaaray

⁹Muqdisho (SONNA): Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda  ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS Xildhibaan Jibriil Cabdirashid Xaaji Cabdi, oo…

GanacsigaGudahaWararka
July 23, 2024

Wasaaradda Dastuurka oo Kulan Farsamo ka furtay Magaalada Baydhabo

Baydhabo-(SONNA)- Kulan Farsamo oo u dhexeeya Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Dastuurka heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka ah federaaka…

SawirroWararka
December 10, 2019

Wasiirka Xannaanada Xoolaha XFS oo furay tababar ku saabsan Ceymiska

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane: Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) ayaa Muqdisho ka furtay tababar soconaya labo maalmood…

GudahaWararka
August 22, 2023

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray shirweynaha Madasha Xirfadleyda Teknoolojiyadda

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Mudane Maxamed Soomaali, ayaa maanta furay kulan lagu soo gabagabeynayey tababar ay bixinayeen madasha Somali…

GudahaWararka
December 12, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023